Addis Ababa (Dawan) Warbixin ay daabacday warbaahinta caalamiga ah ee Addis Standard ayaa lagu sheegay in isbeddellada ka socda Geeska Afrika iyo tartanka sii xoogaysanaya ee quwadaha caalamka ee gobolku ay sare u qaadeen muhiimadda istaraatiijiga ah ee Somaliland. Warbixintu waxay xustay in amniga Badda Cas iyo xeebaha Somaliland ay yihiin xaqiiqooyin juqraafi-siyaasadeed oo sii xoojinaya doodda ku saabsan aqoonsiga Somaliland.
Warbixintu waxay Jamhuuriyadda Somalialnd ku tilmaantay dawlad madax-banaan tan iyo sannadkii 1991, isla markaana muddo ka badan 30 sano ku naaloonaysay xornimo iyo qaran leh dhammaan astaamaha dawladnimo ee lagu qeexay Heshiiska Montevideo Convention, kuwaas oo ay ka mid yihiin xuduudo cad, dad joogto ah, hay’ado dimuqraadi ah, maamul shaqaynaya iyo awood ay xidhiidh diblomaasiyadeed iyo mid caalami ah ku yeelan karto waddamada kale ee adduunka.
Sidoo kale, warbixintu waxay tilmaantay in doodda ku saabsan aqoonsiga Somaliland aanay maanta ku koobnayn arrimo sharci ama siyaasadda Geeska Afrika oo keliya, balse ay si toos ah ula xidhiidho amniga Badda Cas, marin-biyoodka Baabul-Mandab iyo ilaalinta marinnada ganacsiga caalamiga ah. Sidaa darteed warbixintu waxay xustay in awoodaha reer Galbeedka, gaar ahaan Maraykanka iyo Midowga Yurub, ay u baahan yihiin inay la yeeshaan Somaliland iskaashi istaraatiiji ah si loo xaqiijiyo amniga badda, la dagaalanka kharaha argagixisada iyo shabakadaha tahriibinta hubka, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadanaya sugidda isu socodka ganacsiga caalamiga ah.
Intaa waxaa dheer, warbixintu waxay iftiimisay muhiimadda Dekedda Berbera iyo madaarka caalamiga ah ee ku yaalla magaalada Berbera, kuwaas oo lagu tilmaamay kaabayaal istaraatiiji ah oo siin kara Maraykanka iyo xulafadiisa saldhig amni, saadka milatari iyo awood ay kaga hawlgalaan gobolka, taas oo yarayn karta ku-tiirsanaanta saldhigga Camp Lemonnier ee Jabuuti. Dhanka kale, warbixintu waxay xustay in Somaliland ay hodan ku tahay khayraad dabiici ah, oo ay ka mid yihiin macdano muhiim u ah warshadaha casriga ah sida lithium, coltan iyo macdano kale oo istaraatiiji ah. Khayraadkaasi, ayay warbixintu sheegtay, inuu sii kordhinayo muhiimadda dhaqaale iyo tan istaraatiijiyadeed ee Somaliland ee heer caalami.
Gabagabadii, warbixintu waxay ku soo gunaanadday in beesha caalamku ay u baahan tahay inay dib u eegto siyaasaddeeda ku wajahan Somaliland. Waxay ku doodday in iskaashi rasmi ah ama aqoonsi la siiyo Somaliland aanu noqon doonin oo keliya tallaabo diblomaasiyadeed, balse uu yahay baahi istaraatiiji ah oo muhiim u ah sugidda amniga Badda Cas, ilaalinta marinnada ganacsiga caalamiga ah iyo xoojinta xasilloonida Geeska Afrika.




















