Boorama (Dawan) Mashruuca dhismaha waddada isku xidha Boorama iyo Baki ayaa galay marxalad cusub oo horumarineed kaddib markii si rasmi ah loo bilaabay dhigista daamurka wajiga labaad ee waddada. Maareeyaha Hay’adda Horumarinta Wadooyinka Somaliland, Maxamed Faarax Cabdi, ayaa sheegay in mashruucu uu ka gudbay wejigii ugu adkaa ee dhismaha, kaas oo isugu jiray diyaarinta saldhigga waddada, jarista buuraha iyo dhismaha biyo-mareennada.
Maareeyuhu waxa uu xusay in muddo ka badan hal sano lagu qaatay dhismaha aasaaska waddada si loo xaqiijiyo inay noqoto mid tayo sare leh oo u adkaysan karta daadadka, khataraha iyo xaaladaha adag ee deegaanka. Waxa uu sidoo kale caddeeyay in mashruucan lagu maalgelinayo dakhliga gudaha ee ka soo xarooda cashuuraha shacabka, isla markaana aanu ku tiirsanayn deeqo ama maalgelin dibadeed, isagoo ku tilmaamay arrintaasi mid muujinaysa awoodda dalka ee hirgelinta mashaariicda horumarineed.
Mudane Maxamed Faarax Cabdi, Maareeyaha Hay’adda Horumarinta Wadooyinka Somaliland, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi“Waxaan maanta bilownay dhigista daamurka wejiga labaad ee waddada Boorama ilaa Baki. Muddo sannad iyo dhowr bilood ah ayaanu ka shaqaynaynay dhismaha buuraha iyo biyo-mareennada ama Dooxyada si loo helo waddo adag oo muddo dheer u adeegta bulshada.”
Sidoo kale, Maareeyaha ayaa faahfaahin ka bixiyay dhaqaalaha lagu maalgelinayo mashruucan muhiimka ah, waxaanu caddeeyay in mashruucan lagu maalgelinayo dakhliga ka soo xarooda cashuuraha shacabka, isla markaana aanu ku tiirsanayn deeqo ama maalgelin dibadeed. Waxaanu yidhi “Waddadan laguma dhisayo lacag dibadda inooga timi ama qaadhaan. Waxa lagu dhisayaa cashuurta ay Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu ka ururiso shacabka, taasina waa wax lagu faano”.
Waxa uu intaa ku daray in hirgelinta mashruucani ay muujinayso awoodda Somaliland u leedahay fulinta mashaariic waaweyn oo horumarineed iyada oo adeegsanaysa dakhligeeda gudaha. Waxa kale oo uu tilmaamay in waddadani ay door muhiim ah ka qaadan doonto fududeynta isu socodka, kobcinta ganacsiga iyo xoojinta isku xidhka bulshada ku nool gobolka. Sidoo kale, maareeyuhu waxa uu sheegay in waddada Boorama–Baki loo dhisayo si ay u noqoto waddo tayo sare leh oo u adkaysan karta daadadka, xaaladaha adag ee deegaanka iyo isticmaalka muddada dheer.




















