Madaxweyne Somaliland oo Garab Istaag iyo Rejo Cusub u Muujiyay Bukaanka Kelyaha Loo Sifeeyo

0
9

Hargeysa (Dawan) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa qaaday tallaabo muhiim ah oo ka tarjumaysa masuuliyad qaran, naxariis, dareen bulsho iyo hoggaan u taagan daryeelka bulshada nugul, kaddib markii uu booqday Qaybta Sifaynta Kelyaha ee Cisbitaalka Guud ee Hargeysa, isaga oo si toos ah halkaas ugula kulmay bukaannada noloshoodu ku xidhan tahay adeeggan naf-badbaadinta ah.

Booqashada Madaxweynaha waxay ahayd astaan muujinaysa sida hoggaaminta tool-moon iyo dareenka Madaxweynaha Somaliland ugu dhawyahay shacabka, iyo sida ay xukuumaddiisu u garwaaqsan tahay baahiyaha dhabta ah ee bulshada. Madaxweynaha ayaa si toos ah u dhegaystay xaaladaha caafimaad, cabashooyinka iyo duruufaha ay la tacaalayaan bukaannada, isagoo muujiyey garab istaag iyo u damqashada muwaadiniinta noloshoodu ku xidhan tahay adeegga sifaynta kelyaha.

Sidoo kale, tallaabadani waxay caddeyn u tahay mudnaanta ay Xukuumadda Madaxweyne Cirro siinayso wax-ka-qabashada horumarinta adeegyada caafimaadka iyo xaqiijinta in muwaadiniintu helaan daryeel caafimaad oo tayo leh, hufan oo la isku halayn karo. Waxay sidoo kale muujinaysaa fahamka qotada dheer ee Madaxweynaha, gaar ahaan aragtida ah in caafimaadku yahay tiir muhiim u ah horumarka bulshada iyo masuuliyad qaran oo u baahan fiiro gaar ah.

Ballanqaadka Madaxweynaha ee ahaa in Xukuumaddu si degdeg ah uga jawaabi doonto baahiyaha iyo caqabadaha ka jira adeegga sifaynta kelyaha ayaa ah tallaabo istaraatiiji ah oo xambaarsan rejo iyo kalsooni ku aaddan mustaqbalka adeeggan naf-badbaadinta ah. Sidoo kale Madaxweyne Dr. Cabdiraxmaan Cirro waxa uu si geesinimo leh u ballanqaaday wax ka qabashada baahiyaha la xidhiidha mishiinnada sifaynta, agabka caafimaadka iyo qalabka lagama maarmaanka ah, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo daryeelka bukaannada.

Guntii iyo gabagabadii, Hoggaamiyaha wanaagsan waxaa lagu gartaa marka marka hoggaamiyahooda iyo masuuliyiinta qaranku ay dhegaystaan dadka ay u adeegayaan, fahmaan caqabadahooda, isla markaana qaadaan tallaabooyin lagu horumarinayo noloshooda. Sidaa darteed, booqashada Madaxweynaha ee Qaybta Sifaynta Kelyaha waxay muujinaysaa jihada xukuumaddu u socoto ee ah in caafimaadka bulshada loo arko mudnaan qaran.