Gudoomiyaha Xisbiga Waddani oo si Weyn u Boggaadiyey Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland

0
13

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha Xisbiga talada dalka haya ee Waddani, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa si weyn u bogaadiyey Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo ku ammaanay doorka muuqda ee ay ka qaadatay abaabulka iyo qabashada Shirka Toddobaadka Qurba-joogga Somaliland. Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in Toddobaadka Qurba-joogga Somaliland uu yahay madal qaran oo muhiim ah, taas oo xoojinaysa xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo muwaadiniinteeda ku nool daafaha dunida, isla markaana abuuraysa fursado lagu mideeyo awoodda, aqoonta iyo khibradda qurba-joogga.

Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa tilmaamay in qurba-joogga Somaliland ay muddo dheer ahaayeen tiir muhiim ah oo kaalin mug leh ka qaatay dhismaha iyo horumarka qaranka, isaga oo xusay doorka ay ku leeyihiin dhinacyada dhaqaalaha, aqoonta, maalgashiga iyo kor u qaadista qaddiyadda Somaliland ee fagaarayaasha caalamka. Waxa uu sheegay in qabashada shirkan ay muujinayso muhiimadda ay leedahay in la helo hannaan mideeya awoodda iyo khibradda qurba-joogga, si ay qayb firfircoon uga noqdaan qorshayaasha horumarineed ee dalka.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ayaa si gaar ah ugu ammaanay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah dadaalka ay gelisay hirgelinta Toddobaadka Qurba-joogga Somaliland, isaga oo ku tilmaamay shirweyne qaran oo muddo dheer loo baahnaa, kaas oo isu keenaya qurba-joogga iyo dadaallada horumarinta qaranka. Waxa uu sidoo kale sheegay in shaqada ay Wasaaraddu ka qabatay qabanqaabada iyo isku xidhka dhinacyada kala duwan ee ka qayb qaadanaya shirkan ay muujinayso qorshe lagu xoojinayo iskaashiga u dhexeeya Xukuumadda iyo muwaadiniinta Somaliland ee ku nool dibadda, iyadoo la abuurayo fursado ay aqoonta, khibradda iyo kartida qurba-jooggu ugu adeegaan horumarka dalka.

“Waxaan ku bogaadinayaa Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland qabashada Shirkan Toddobaadka Qurba-joogga oo ah shirweyne qaran, aadna loogu baahnaa, wasaaradduna waxay qaadatay door weyn oo bogaadin mudan,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Shirarka noocan oo kale ah ayaa muhiim u ah xoojinta wada-tashiga qaran, kobcinta maalgashiga iyo abuurista xidhiidh joogto ah oo u dhexeeya Somaliland iyo qurba-jooggeeda. Sidaas awgeed, dadaalka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ahi wuxuu ka tarjumayaa muhiimadda ay leedahay isku xidhka awoodaha qaranka iyo ka faa’iidaysiga khibradda muwaadiniinta Somaliland ee ku nool dibadda.