Hargeysa (Dawan) Wasiir ku xigeenka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Yuusuf Nuux Tadhase iyo agaasimaha guud ee Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cabdilaahi Maxamed Maxamuud Jiidhe ayaa shalay kor kormeer shaqo ku tagay Garoonka Kubadda Cagta Hargeysa Stadium,oo dayactir iyo casriyayn lagu samayn doono. Yuusuf Nuux Tadhase ayaa sheegay in dayactirka lagu samayn doono garoonka ay iska kaashan doonaan dawlada hoose ee Hargeysa iyo Wasaarada Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.
Yuusuf Nuux Tadhase oo arimahaasi ka hadlayayna Waxa uu yidhi”Waxaan Maanta Kormeer Shaqo aan ku tegnay Garoonka Kubadda Cagta Hargeysa Stadium, kaas oo dhawaan marti-gellin doona Horyaaladda Heerarka 1-aad, 2-aad iyo 3-aad Kubadda Cagta Gobolka Maroodi-jeex, kaas oo shaqo weyn oo dhisme iyo dayac-tirba laga qabanayo sida ugu dhakhsaha baddan.kormeerkaygan shaqo oo ay igu wehelinayeen Agaasimaha guud ee Wasaarada Dhalinyarada Ciyaaraha, Xoghayaha fulinta Dawlada Hoose Hargeysa Hoggaanka Xidhiidhka Kubada Cagta Somaliland iyo agaasime Waaxeedyada Wasaarada,dhismaha iyo dayac-tirka lagu sameynayo Hargeysa Stadium oo ay iska kaashan doonaan dawlada hoose ee Hargeysa iyo Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.ayaa noqon doona mid si weyn wax looga qaban doono guud ahaanba Garoonka,”.




















