Warbixin Caalamiya: “Somaliland iyo Jarmalka oo Xoojinaya Iskaashiga Horumarinta iyo Dhaqaalaha!”

0
20

Hargeysa (Dawan) Warbaahinta Horn Lens ayaa soo bandhigtay falanqayn qoto-dheer oo ku saabsan doorka sii kordhaya ee Somaliland kaga jirto isbeddellada juqraafi-siyaasadeed iyo dhaqaale ee ka socda gobolka Geeska Afrika. Warbixintan caalamiga ah ayaa si gaar ah diiradda u saartay iskaashi horumarineed oo ay tilmaantay in uu u dhexeeyo dawladdaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jarmalka.

Warbixintuan oo Wargeyska Dawan soo xigtay, waxay sheegtay in Somaliland ay si tartiib ah uga soo baxayso goob muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah, isku-xidhka gobolka iyo kaabeyaasha dhaqaalaha, iyadoo ay sabab u tahay goobteeda istiraatiijiga ah ee ku taalla Gacanka Cadmeed, taas oo ah meel u dhow marin-biyoodka muhiimka ah ee Bab el-Mandeb iyo jidka ganacsiga caalamiga ah ee isku xidha Badda Cas iyo Kanaalka Suweys.

Warbixintu waxay tilmaantay in dawladda Jarmalku ay si weyn u xoojinayso iskaashiga horumarineed ee ay la leedahay Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, tababarrada farsamada, waxbarashada xirfadaha iyo taageerada hay’adaha horumarinta. Sida lagu xusay warbixinta, Hay’adaha Jarmalka ee ka shaqeeya iskaashiga horumarinta, sida KfW iyo GIZ, ayaa door weyn ka qaatay mashaariic la xidhiidha horumarinta awoodda shaqaalaha, kobcinta xirfadaha dhalinyarada iyo taageeridda qorshayaasha dhaqaale.

Warbixintu waxay sheegtay in iskaashiyada noocan ahi ay ka tarjumayaan danaha caalamiga ah ee sii kordhaya ee ku wajahan Somaliland iyo kaalinta ay ku yeelan karto isku-xidhka ganacsiga gobolka. Mid ka mid ah qodobbada ugu muhiimsan ee warbixintan caalamiga ah ee Horn Lens lagu falanqeeyay ayaa ah muhiimadda Dekedda Berbera iyo waddada Berbera Corridor oo ah jid istaraatiiji ah oo isku xidha Somaliland iyo gobolka, gaar ahaan dalka Itoobiya.

Warbixintu waxay sheegtay in horumarinta dekedda iyo waddada isku xidha Berbera iyo dalalka deriska ahi ay Somaliland siinayaan fursad ay ku noqoto xarun muhiim u ah isu-socodka badeecadaha, gaar ahaan ganacsiga u dhexeeya Geeska Afrika, Bariga Dhexe iyo suuqyada caalamka. Sidoo kale, waxay xustay in Itoobiya, oo ah dal aan bad lahayn, ay raadineyso marinno ganacsi oo kala duwan, taas oo kordhinaysa muhiimadda dekedaha ku yaalla xeebaha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Warbixinta ayaa iftiiminaysay muhiimadda Juqraafiyeed ee Somaliland, iyada oo Horn Lens ay ku tilmaantay Somaliland meel leh muhiimad istiraatiiji ah sababo la xidhiidha: Goobta ay kaga taallo marin-biyoodka Bab el-Mandeb. Isku-xidhka ganacsiga Afrika, Yurub iyo Bariga Dhexe. Doorka ay ku yeelan karto silsiladaha sahayda caalamiga a iyo Xasilloonida siyaasadeed ee ay ku caan baxday marka loo eego qaybo kale oo gobolka ah.