Xukuumadda JSL oo Qorshaynaysa Hir-gelinta Guur-wadareed lagu Taageerayo Dhallinyaradda

0
85

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Xukuumadda Somaliland ayaa shaaca ka qaadday inay ka hawlgalayso sidii dalka looga hirgelin lahaa guur-wadareed, kaas oo lagu taageerayo dhallinyarada ay caqabadda ku noqdeen kharashaadka sii kordhaya ee guurka iyo dhismaha qoyska. Qorshahan ayaa noqon kara fursad cusub oo rajo gelisa dhallinyaro badan oo doonaya inay qoysas dhistaan, balse ay dib ugu dhacday guurkooda culayska dhaqaale ee la xidhiidha meherka, arooska, qalabaynta guriga iyo kharashaadka kale ee guurka.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Mudane Jamaal Jaamac Xaamud, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in xukuumaddu arrintan ka shaqaynayso, isaga oo tusaale u soo qaatay Dawladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya, oo uu sheegay inay hirgelisay guur-wadareedyo ay ka faa’iidaysteen boqolaal qof.

Waxaanu yidhi.“Dawladda aynu jaarka nahay ee Itoobiya, gaar ahaan Kililka Soomaalida, waxaan aad ugu ammaanayaa inay sameeyeen guur-wadareed. Boqolaal ayay sameeyeen, waana wax wanaagsan; innaga Somaliland ahaan arrintaasi waanu ka hawlgalaynaa,”

Wasiir Ku-xigeenka ayaa tilmaamay in qaali-garowga guurku uu ka mid noqday caqabadaha hortaagan dhallinyarada doonaysa inay qoysas dhistaan. Kharashaadka sii kordhaya ee ku baxa meherka, arooska, qalabka guriga iyo munaasabadaha kale ayaa dhallinyaro badan ku qasbaya inay dib u dhigtaan qorshahooda guur.

Xukuumaddu waxay aaminsan tahay in guur-wadareedku wax ka tari karo caqabaddan, gaar ahaan haddii lagu saleeyo kharash macquul ah, nidaam hufan iyo taageero dhab ah oo la gaadhsiiyo dhallinyarada u baahan.

Haddii qorshahan la hirgeliyo, wuxuu noqon karaa tallaabo wax ka tari karta culayska dhaqaale ee guurka, isla markaana dhiirrigelin karta in bulshada dib loogu soo celiyo fududaynta guurka iyo iskaashiga bulshada.

Guur-wadareedku ma aha oo keliya in lammaanayaal badan hal mar la isku guuriyo; haddii si wanaagsan loo qorsheeyo, wuxuu noqon karaa barnaamij dhammaystiran oo lagu taageerayo bilowga nolosha qoyska, iyadoo lagu dari karo wacyigelin qoys, xirfado nololeed iyo fursado dhaqaale.

Tallaabadan ayaa sidoo kale dhallinyarada siin karta dhiirrigelin ah in dhaqaale yari aanu noqon caqabad ka hor istaagta dhismaha qoyska, iyadoo la yareynayo kharashaadka aan daruuriga ahayn ee guurka.

Qorshaha xukuumaddu wuxuu imanayaa xilli dhallinyaro badan ay ka cabanayaan in kharashaadka guurku ka sarreeyaan awooddooda dhaqaale.

Haddii la hirgeliyo, guur-wadareedku wuxuu noqon karaa barnaamij rajo iyo fursad u abuura dhallinyarada, isla markaana bulshada ku dhiirrigeliya in guurka laga fogeeyo kharashaadka xad-dhaafka ah, loona fududeeyo lammaanayaasha doonaya inay nolol qoys bilaabaan.

Guur la fududeeyo waa qoys la dhiso, qoys la dhisaana waa bulsho la xoojiyo. Sidaa darteed, tallaabada xukuumaddu ku doonayso inay guur-wadareed ka hirgeliso Somaliland waxay noqon kartaa bilow rajo cusub u ah kumannaan dhallinyaro ah oo hammigoodu yahay inay qoysas dhistaan.