Booliska JSL oo Casriyeynaya Nidaamkoodda Shaqo una Guuraya Hab Dhijitaala

0
35

Qore Sacad Xarbi

Hargeysa (Dawan) Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland, Sarreeye Guuto Cabdi Axmed Tiir, ayaa sheegay in Ciidanka Boolisku wadaan qorshe lagu casriyeynayo habka ay u maamulaan shaqo-maalmeedkooda, kaas oo lagu wareejinayo nidaam dhijitaal ah, si looga gudbo habkii hore ee ku dhisnaa qalinka. Sarreeye Guuto Cabdi Axmed Tiir ayaa sheegay in qorshahan uu qayb ka yahay dadaallada lagu horumarinayo aqoonta iyo xirfadaha ciidanka, gaar ahaan barashada adeegsiga kombiyuutarrada iyo tiknoolajiyadda casriga ah, si ay Ciidanka Boolisku ula jaanqaadaan hababka shaqo ee adeegsiga tiknoolajiyadda oo uu sheegay in ciidamada caalamku haatan u guureen isla markaana ay ku shaqeeyaan.

Waxa uu xusay in ciidamada kala duwan ee caalamku ay si weyn ugu tiirsan yihiin tiknoolajiyadda iyo nidaamyada dhijitaalka ah, isaga oo tilmaamay in Somaliland-na ay hadda qaadayso tallaabooyin lagu gaadhayo heerkaas, loona diyaarinayo ciidamo leh aqoon iyo xirfad ku filan oo ay ku maareeyaan shaqadooda iyaga oo adeegsanaya nidaamyada casriga ah.

“Runtii marka aynu nahay Ciidanka Booliska, waxa aynu ka guuraynaa qaabkii aynu u shaqayn jirnay ee qalinka, waxa aynu u guuraynaa tignoolajiyadda, waxa aynu la jaanqaadaynaa caalamka. Dhammaan ciidamada caalamku waxa ay ku shaqeeyaan tignoolajiyadda,” ayuu yidhi Sarreeye Guuto Cabdi Axmed Tiir.

Taliye Ku-xigeenka Booliska ayaa hadalkan ka sheegay xilli uu furayey tababar loogu talagalay qayb ka mid ah ciidamada Booliska Somaliland, kaas oo lagu baranayo adeegsiga kombiyuutarrada iyo xirfadaha aasaasiga ah ee shaqada dhijitaalka ah.