“Saxaafadda Wixii Sharcigga ku Gefa Agtayada Naxariisi Uma Taallo.”Guddoomiye Wali

0
13

Hargeysa (Dawan) Guddoomiye-ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex, Wali Cabdi Jaamac, ayaa sheegay in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo ka tirsan saxaafadda ee ku xad-gudubta shuruucda iyo qawaaniinta dalka. Wali Cabdi Jaamac waxa uu sheegay in saxaafaddu leedahay waajibaad ay tahay inay ilaaliso sharciga, isaga oo xusay in aan loo dulqaadan doonin cid kasta oo sharciga ku gefa.

Guddoomiye-ku-xigeenka ayaa dhinaca kale sheegay in xukuumaddu ixtiraamayso oo ilaalinayso sharafta saxafiyiinta dhowra sharciga, isaga oo tilmaamay in masuuliyiinta iyo saxaafadda madaxa-bannaan uu ka dhexeeyo xidhiidh wanaagsan. Guddoomiyaha oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uuu yidhi “Saxaafadda wixii sharciga ku gefa, agtayada naxariisi uma taallo.”

Waxa kale oo uu saxaafadda Somaliland ku ammaanay doorka ay ka qaadato kor-u-qaadista qadiyadda Somaliland iyo difaaca danta dalka, isaga oo sheegay in shaqada saxaafaddu muhiim u tahay bulshada. Wali Cabdi Jaamac ayaa intaa ku daray in masuuliyadda maamulka ay tahay ilaalinta sharciga iyo muwaadiniinta, isla markaana aan loo hakan doonin cid kasta oo sharciga jebisa, iyada oo aan loo eegayn cidda ay tahay.