Tababarka Maskaxda
Falsafadda horumarka bulshada waxay akhriska u aragtaa mid ka mid ah waddooyinka lagu dhiso kaydka aqooneed. Qofka akhriya wuxuu la kulmaa fikrado ka yimid dad, xilliyo iyo dhaqammo kala duwan, taasina waxay ballaadhin kartaa aragtidiisa.
Akhrisku ma aha oo keliya in indhuhu ay ereyo arkaan, waa in maskaxdu ay fikrado fahanto, qalbiguna uu xikmad qaato. Buug kasta oo wanaagsan wuxuu qofka tusayaa adduun aanu indhihiisu hore u arag. Qofkii akhriya taariikhda wuxuu la sheekaystaa kuwii ka horreeyay; kii falsafadda akhriya wuxuu bartaa sida loo fikiro, kii cilmiga akhriyana wuxuu fahmaa sida dunidu u shaqayso. Sidaas darteed, akhrisku wuxuu qofka ka gudbiyaa xadka waayo-aragnimadiisa gaarka ah, wuxuuna u furayaa waayo-aragnimada aadamaha oo dhan.
Akhrisku wuxuu ka weyn yahay erayada ku qoran bogga. Taas macnaheedu waa in akhrisku qofka baro inuu fahmo bulshada, sababaha dhibaatooyinka iyo sida isbeddel loo abuuri karo.
Mr.Francis Bacon faylasuuf ahaa waxa uu qoray maqaalad can oo ahayd: ” in akhrisku qofka kobciyo, dooddu qofka diyaariso, qoraalkuna qofka saxo. Sidaas awgeed, akhrisku ma aha oo keliya ururinta xog, waa tababar maskaxeed.
Laakiin akhris badan keligii ma dammaanad qaadayo horumar. Aqoontu waxay saamayn weyn yeelataa marka lagu daro fikir naqdin leh, waxqabad, anshax, hal-abuur iyo fulin wanaagsan.






















