New York (Dawan) Warbixin cusub oo lagu daabacay warbaahinta Carabta ee Step News Agency ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, qaaday tallaabooyin diblumaasiyadeed, isla markaana intii uu ku guda jiray booqashadiisa Maraykanka uu kulamo iyo dooddo kala duwan kaga hadlay xaaladda Somaliland, qaddiyaddeeda siyaasadeed iyo dadaallada loogu jiro sidii loo heli lahaa aqoonsi caalami ah oo ballaadhan.
Step News Agency waxay si gaar ah u xustay kulankiii Madaxweynaha ee ka dhacay Council on Foreign Relations (CFR) ee magaalada New Yor, kaas oo ay tilmaantay in uu ku soo bandhigay aragtida Somaliland iyo dedaalada ay 35 sano Somaliland ku dhisaysay nabadda, dimuqraadiyadda iyo hay’adaha maamulka. Warbixintu waxay sheegtay in Madaxweyne Cabdiraxmaan uu aqoonsiga caalamiga ah ee Somaliland uu ku salaynayo dood taariikhi ah iyo mid sharci ah, isaga oo sidoo kale ku xidhiidhiyay aqoonsiga Somaliland danaha amniga, ganacsiga iyo xasilloonida Geeska Afrika.
Waxa kale oo ay sheegay in, Madaxweynaha Somaliland intii uu ku sugnaa Washington uu sidoo kale la kulmay xubno ka tirsan qurba-joogta Somaliland. Kulankaas waxa diiradda lagu saaray doorka qurba-joogtu ku leedahay horumarinta iyo dhismaha qaranka. Waxa kale oo lagu xusay warbixinta in kulamadani ay qayb ka yihiin dadaallada Somaliland ay ku doonayso inay si toos ah ugu soo bandhigto beesha caalamka aragtideeda ku saabsan mustaqbalkeeda siyaasadeed iyo doorkeeda gobolka.
Sida ay sheegtay Step News Agency, qodobada ugu muhiimsan ee farriinta Madaxweynaha Somaliland waxaa ka mid ahaa in si weyn loogu soo bandhigay waayo-aragnimadda Somaliland gaar ahaan dhinacyada nabadda, dimuqraadiyadda, doorashooyinka iyo maamulka; Sidoo kale waxda lagu xusay in diiradda lagu saaray xoojinta xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka iyo in lagu soo bandhigay sida Somaliland door uga qaadan karto xoojinta amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika; Sidoo kalena ay farriinta madaxweynuhu taabanaysay dhiirigelinta maalgashiga iyo iskaashiga dhaqaale oo caalamiga ah.



















