Xukuumadda JSL Oo Miisaaniyada Qaranka Markii ugu Horaysay Ka Maalgelisay Tallaalka Xoolaha

0
22

Qore Khadar M .Xaashi

Burco (Dawan) Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horreysay miisaaniyadda qaranka ka maalgelinaysa olole ballaadhan oo tallaal iyo nafaqayn xoolaha ah, kaas oo wajigiisa koowaad lagu tallaalayo 250,000 oo neef oo adhi ah, lagana fulinayo gobollada Togdheer iyo Daad-madheedh, iyadoo wajiga labaadna lagu qorsheynayo in adeeggu gaadho ku dhawaad hal milyan oo neef.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga, Cali Axmed Cabdi (Cantar), ayaa Ololahan tallaalka xoolaha ka daah-furay magaalada Burco, ee xarunta gobolka Togdheer. Waxaana Wasiir ku xigeenka ku weheliyaan qaar ka mid ah agaasime-waaxeedyada Wasaaradda xannaanada xoolaha iyo maamulka Gobolka Togdheer.

Wasaaraddu waxay sheegtay in tallaalkani yahay kii ugu horreeyey ee ay si madax-bannaan u fuliso, iyada oo aanay cid kale ka helin taageero, waxaana wajigiisa koowaad lagu tallaalayaa 250,000 oo neef oo adhi ah oo ku nool Togdheer iyo Daad-madheedh. Wajiga labaad ee ololaha oo lagu qaban doono magaalada Hargeysa ayaa lagu qorsheynayaa in lagu gaadho ku dhawaad hal milyan oo neef, taas oo sare u qaadaysa baaxadda adeegyada caafimaadka xoolaha ee dalka. Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Xoolaha iyo isku-duwayaasha gobollada Togdheer iyo Daad-madheedh ayaa sheegay in adeeggan uu ahaa mid xoolo-dhaqatadu baahi weyn u qabeen, iyaga oo xusay muhiimadda uu u leeyahay ka hortagga cudurrada iyo ilaalinta xoolaha.

Masuuliyiinta ayaa xoolo-dhaqatada ugu baaqay inay si buuxda uga faa’iidaystaan tallaalka iyo adeegyada caafimaad ee la siinayo xoolahooda, si loo yareeyo khasaaraha ka dhasha cudurrada. Dhanka kale, Maamulaha Cashuuraha Berriga ee Gobolka Togdheer ayaa bulshada ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan ololaha, isaga oo sheegay in tallaalka iyo daaweynta xoolaha lagu maalgeliyey cashuurtii ay bulshada bixisay. Ololahan ayaa lagu xoojinayaa caafimaadka iyo wax-soo-saarka xoolaha, kuwaas oo laf-dhabar u ah nolosha xoolo-dhaqatada iyo dhaqaalaha qoysas badan.