“Xiisaddaha Badda Cas oo Somaliland u furay fursado diblomasiyadeed”
“Dagaallada Iiraan waxay kor u qaadeen muhiimada Istiraatiijiyadeded ee JSL”
Washington (Dawan) Warbixin cusub oo ay daabacday Responsible Statecraft, oo ah majalad caalami ah oo ka tirsan machadka Quincy Institute for Responsible Statecraft kuna takhasustay siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka, amniga caalamka iyo xidhiidhada caalamiga ah, ayaa sheegtay in qalalaasaha ka taagan Badda Cas uu Somaliland u abuuray fursad istiraatiiji ah oo ay kaga faa’iidaysan aqoonsiga Maraykanka.
Warbixintu waxay tilmaantay in Somaliland ay si weyn u fahamtay fursadda cusub ee ka dhalatay isbeddellada juqraafi-siyaasadeed iyo dhaqaale ee gobolka iyo caalamka, taasina ay ka mid tahay sababaha Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” uu Washington ugu tegay inuu ku soo bandhigo muhiimadda istiraatiijiga ah ee Somaliland iyo doodda ku saabsan aqoonsiga Maraykanka.
Warbixinta Responsible Statecraft, oo uu soo xigtay Wargeyska Dawan, ayaa sidoo kale lagu sheegay in Madaxweyne Cirro uu diirrada saarayo in uu si wax ku oola ah uga faa’iidaysto fursadaha cusub ee ka dhashay qalalaasaha juqraafi-siyaasadeed iyo dhaqaale ee caalamka, gaar ahaan saameynta dagaalka Iran. Isla markaana booqashadiisii Washington ee toddobaadkii hore ay qayb ka ahayd dadaallada lagu doonayo in lagu xoojiyo xidiidhka Somaliland iyo Maraykanka, laguna horumariyo xidhiidhada dhaqaale iyo istiraatiijiyadeed ee labada dhinac.
Waxa kale oo ay warbixintu tilmaantay in Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro”, oo 14-kii Sebtembar khudbad ka jeediyay machadka Hudson Institute, uu ku soo bandhigay doodad aqoonsiga Somaliland ee Maraykanka. Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland muddo ka badan saddex iyo soddon sano ay ahayd dal madax-bannaan oo leh xasilooni iyo amni la isku halayn karo, nidaam dimuqraadi ah oo lagu qabto doorashooyin, hay’ado dowladeed oo shaqeeya iyo nidaam maamul oo u gaar ah, taasina ay tahay sababta ay Somaliland ugu qalanto in Maraykanku aqoonsado.
Sidoo kale, Madaxweyne Cirro wuxuu halkaas kaga hadlay khayraadka dabiiciga ah ee Somaliland, isagoo sheegay in khubaro caalami ahi tilmaameen in Somaliland leedahay dhammaan macdanaha muhiim ah ee caalamku u baahan yahay, taas oo dan u noqon karta Maraykanka. Wuxuu xusay in Somaliland ay diyaar u tahay in labada dhinac ay yeeshaan iskaashi qoto dheer, gaar ahaan dhinacyada maalgashiga iyo ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah.
Responsible Statecraft waxa kale oo ay sheegtay in tallaabada diblumaasiyadeed ee uu qaaday Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” ay ku soo beegantay xilli Somaliland ay haysato fursad ay si xooggan ugu soo bandhigi karto muhiimaddeeda istiraatiijiga ah. Warbixintu waxay tilmaantay in Somaliland ay ku taallo mid ka mid ah goobaha ugu muhiimsan dunida marka laga eego dhinaca juqraafi-siyaasadeed.
Warbixintu waxay tilmaantay in Somaliland ay leedahay ku dhowaad 850 Km (530 mayl) oo xeeb ah oo ku teedsan Gacanka Cadmeed, kaas oo marin-biyoodka Badda Cas kaga xidhma marinka muhiimka ah ee Bab al-Mandab. Waxaana lagu xusay “Somaliland waxay ku taallaa meel ka mid ah goobaha ugu muhiimsan dunida marka laga eego dhinaca juqraafi-siyaasadeed. Waxay leedahay ku dhowaad 530 mayl oo xeeb ah oo ku teedsan Gacanka Cadmeed, kaas oo Badda Cas kaga xidhma marinka muhiimka ah ee Bab al-Mandab. Sidaas darteed, Somaliland waxay ku taallaa badhtamaha marin ganacsi oo muhiim ah iyo meel u dhow goobta dagaalka Iran.”
Sidoo kale warbixintu waxay xustay in Magaalada dekedda ah ee Berbera ay tahay goob istaraatiiji ah oo muhiimad gaar ah ku leh doodad aqoonsiga Somalialnd, waxaanay sheegtay “Magaalada dekedda ah ee Berbera ayaa iyaduna muhiimad gaar ah ku leh dooddan. Waxay ku taallaa meel istiraatiiji ah oo ka soo horjeedda xeebaha Yemen, iyadoo dekedda iyo kaabayaasha dhaqaale oo ah hanti muhiim u ah Somaliland noqon karaan furaha iskaashiga dhaqaale iyo amni ee la filayo in ay la yeelato Maraykanka iyo dalalka kale ee caalamka.
Warbixintu waxay sidoo kale xustay qodobada Somaliland ay ku dhiseyso dooddeeda aqoonsi raadinta. Waxaanay sheegtay in Tan iyo markii Somaliland ay 1991 ku dhawaaqday madaxbannaanideeda, ay dhistay hay’ado dowladeed, ciidan, boolis, lacag iyo hay’ado amni oo u gaar ah. Warbixintu waxa kale oo ay xustay in Somaliland ay sidoo kale leedahay ciidanka ilaalada xeebaha oo ilaaliya biyaha Gacanka Cadmeed, kana shaqeeya ka hortagga budhcad-badeedda iyo khataraha kale ee badda.
Responsible Statecraft, waxa kale oo ay ka hadashay horumarka siyaasadeed ee Somaliland, waxaanay xustay in Somaliland ay muddo dheer si joogto ah u qabanaysay doorashooyin dimuquraadi ah oo daah furan. Sidoo kale waxay tilmaanay in Madaxweyne Cirro uu arrintan u adeegsanayo doodda ah in Somaliland ay leedahay hannaan siyaasadeed iyo hay’ado u saamaxaya inay si iskeed ah isu maamusho.
Responsible Statecraft waxay gunta iyo gabagabada Warbixinteeda ku muujinaysay in Somaliland ay doonayso inay fursadaha istaraatiijiga ah iyo xaaladda ka dhalashay qalalaasaha Badda Cas ay u beddesho fursad diblomaasiyadeed, iyadoo Washington u bandhigaysa saddex arrimood oo waaweyn: goobta istiraatiijiga ah ee Somaliland, muhiimadda Berbera iyo fursadaha iskaashiga dhaqaale iyo amni.



















