Gabadha Maraykanka ah ee Sandy Cashman ayaa fikrad yaab leh samaysay. Waxay soo saartay buug madhan oo aanay ku qorayn haba yaraatee wax qoraal iyo sawir midna. Waxaana uu ahaa buug ay baalashiisu cad yihiin.
Sandy ayay saaxiibadeed ku dheel dheeleen lana yaabanaayeen buuga madhan ee ay rabto inay daabacdo. Dhamaan madbacadaha buugaagta daabaca ayaa iyan diiday inay maalgashadaan buugan, laakiin iyada ayaa goosatay inay maal geliso buugaasi soo saaritiisa.
Buugagan ay qortay waxay u bixisay magac soo jiidasho leh oo ahaa “ Maxay Dumarku ka yaqaaniin Ragga?” . Magacaasi ayay dhamaan bogaga buuga ku qortay.
Buuggan ayaa dadka ku abuuray arrin qosol iyo mucjiso ku noqday waxaana lagu iibiyay qiimo aad hooseeya. Laakiin Buugga ayaa markiiba helay suuq weyn ka dib markii uu noqday hadyadda keliya ee ay isu diraan raga iyo dumarku.
Gabadha Sandy ayaa buugaan ka heshay malaayiin doler isagoo aan haddan wax mawduuc ahi ku qorayn.
Wax ay ku kaaftoontay cinwaanka mucjisada ah ee muranka iyo qosolka keenay. Saaxiibadeed way ku qoslayeen iyana waxay samaysay malaayiin doller. Gabdhan ayaa la weydiidyay sababta ay buugan madhan u iibinayso waxayna si kooban u tidhi “ Anigu maan iibinayn buug madhan , waxaan iibinayay fikrad madadaalo ah, waxaana aan wax ka eegayay xagal aanay dadku wax ka arkayn, taasina waa tan keentay in buugga si baaxad leh loo iibsado”. Buugaasi ayay ku noqotay maalqabeen, taasi oo muujisay in fikradda iyo curintu ay tahay tan lagu gaadho waxa laga higsanayo.
Home Barnaamijyada Mucjisada Buugga Maxay Dumarku Ka Yaqaaniin Ragga? Waxay Maalqabeen ku Noqotay...






















