Muuqaalkiisa Oo Hitler U Eeg Ayuu Dakhli Badan Ku Helaa

0
542

Jenofish oo ah nin u dhashay dalka Kosovo , ayaa noqday shakhsiyad muuqaal ahaan aad ugu eeg hogaamiyihii dagaalkii labaad ee Jarmalka  Adolf Hitler. Ninkan oo ka mid ahaa ciidanka Kosovo 1990 ayaa la ogaaday inuu Hitler u eegyahay , waxayna dadku naanays uga dhigeen magaca Hitler.
Ninkan ayaa dadku u daawasho iman jireen si ay u arkaan Hitlerka cusub, laakiin taasi ayaa u noqotay  ganacsi gaar u ah isaga. Waa nin soo dhoweeya dadka u yimaadda dhamaantood isagoo ku salaama salaantii Hitler caadada u ahayd. Waxa kale oo uu sameeyaa dhamaan dhaqanadii Hitler  caanka ku ahaa , isagoo xidha isla markaana u  labista qaabkii Hitler lagu yaqaanay.
Ninkan oo ku dhaawacmay dagaaladii Kosovo ayaa loo qaaday Isbitaal  ku yaalla Jarmalka, halkaasi oo dhakhaatiirtu aad ula yaabeen sida muuqaalkiisa aan looga garan Hitler.
Dhakhaatiirta ayaa Isbitaalka qol gaar ah dejisay, waxaana halkaasi daawasho ugu iman jiray  dad badan markii ay maqleen. Jenofish ayaa lagu casuuma xaafladaha aroosyada, aasaska iyo xafladaha dhalashooyinka. Waxaana qofka doonaya inuu sawir ka qaao uu bixiyaa lacag dhan 20- 80 Euro. Jenofish ayaa lagu qiyaasay dakhliga maalnkii ka soo galay muuwaalkiisa inay tahay lacag dhan 200 Ero.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here