Somaliland oo laga xusay maalinta nabadda Adduunka iyo Hay’adda Y.PEER oo ka hadashay

0
492

Hay’adda WADDANIGA ah ee Y.Peer ayaa munaasibado ku qabatay Magaalooyinka Laascaanood, Caynabo iyo Ceel-afweyn, munaasibadahaasoo lagu xusay maalinta nabadda adduunka.

Agaasimaha Hay’adda Y.Peer Maxamed Mahad Dhamac oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Hay’adda ee Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inay kulamadaasi ku baraarujinayeen ahmiyadda nabad-gelyada iyo sidii loo adkayn lahaa.

Waxa uu sheegay inay Hay’adda Qaramada midoobay ee UNFPA ka taageertay xuska maalinta nabadda Adduunka.

Halkan ka Daawo Muuqaal:
[youtube https://www.youtube.com/watch?v=8VSW9ormEdw&w=956&h=538]

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here