Dharaaro Xusuustood Iyo Dhiiranaantii

0
741

By. Xusuus Qorkii Prof. Maxamed Siciid Gees

Waxaan ku xidhnayn nolosha tuulada kuliyadda Lafoole gelin hore iyo gelin danbeba casharo ayaa ka socday tuuladaas oo ay Ardayda iyo Macalimiintuba ku nooshahay , dhawr jeer oo aan dejiyey jadwalka casharada waxaan xusuusta in saacadaha shaqadu bilaabmi jireen 7:00 subaxnimo ayna dhamaan jireen 9:00 habeenimo marka laga reebo saacadaha 1:00 duhurnimo ilaa 4:00 galabnimo oo fasax ahaan jirtay iyo saacada u dhaxaysa 6:00 makhribnimo ilaa 7:00 fiidnimo. Haddaba, markii la soo gaadhay sanadihii sideedtameeyadii 1980 waxaa bilaabantay in macalimiintii jamacadu ay jeclaysteen inay isku qoraan casharada gelinka danbe oo gelinka hore lagu yaaco Xamar iyadoo la raadinayo shaxaad lagu kabo mushaharka sixir bararku hadheeyey isagoo mushahaarkii waxba go’ayn waayey waxaa kale oo la raadsan jiray in meelo kale laysu bedelo ama la raadsado waxbarasho dibadeed oo aan laga soo noqon, waxaa kale oo dhacday in fasaladii, qolalkii hurdada, hoolalkii iyo meelihii cuntadu ay wada gaboobeen oo wax lagu dayactiro la waayey waxay waqtigaas u ekaatay meel laydhku ka sii damayo siina dhimanaysa oo qof dan ka lihi aanu jirin, waxay madaxda jaamacaddu ku mashquul sanaayeen jamacadii weynayd ee afka Talyaaniga wax lagu baran jiray ee Xamar ku taalay ee ay dawladda Talyaanigu maal gelin jirtay. Waxaa meesha ku dhax baaba’aday kuliyadii waxbarashada Lafoole ee af Ingriisiga wax lagu dhigi jiray oo iyada gooni looga takooray Jaamacada weyn. Waxaa sanadahaa hormuud ka noqday kuliyada Lafoole Prof. Saleebaan Axmed Guuleed 1981 waxaa arrimaha ardayda qaabilsanaa Ciise Xasan Cali ( ina qoob shalax) aniga Gees waxaan madax ka aha qaybta Fiisigiska , kimistarigana waxa madax ka ahaa Cabdi Biixi Yoonis. Prof Guuleed waxaa u muuqday dhibaatada iyo dayaca haysta Kuliyadda halkaas oo uu muda badan joogay oo uu Macalin ka ahaan jiray, waxaa uu magacaabay guddi loo xilsaaray dayactirka jaamacada oo madax uga dhigay Aniga Gees gudigaas oo isugu jirtay Macalimiin iyo Arday, waxaanu soo tiro koobnay inta daaqad , saqaf , albaab, musqul iyo goob jaban ee Jamacadda, markii aanu soo dhamaystirnay warbixintii ayaanu u gudbinay Prof Guleed waxaa uu dabadeedna arrinkii ula tegay Saleebaan Maxamuud Aadan ( saleeban gaal) oo markaa ahaa wasiirku xigeenka wasaarada waxbarashada waxaa uu u bandhigay dhibaatada haysata kuliyadii waxbarashada Lafoole oo macalimiinta ay barbaarisaa ay ka

hawlgeli jireen dugsiyada dalka ee ay maamusho wasaarada waxbarashadu ka dibna waxa uu waydiistay inuu wax kala qabto dayactirka kuliyada waxa kale oo uu u sheegay in uu guddi u sameeyey arrinkaas uuna gudoomiye ka yahay Maxamed Saciid Gees, waxaa uu Saleebaan gaal ka yeelay in uu wax kala qabto dayactirka kuliyada ka dibna waxa uu Prof Guleed u sheegay inuu u soo dirayo gudoomiyaha gudiga Gees.

Ninkan Cabdiraxmaan Jamac ee u tafa xaytay inuu badbaadiyo taliskii walaalkii ee uu ka mid ka ahaa isaga laftiisu na ahayn nin isbedelku dhab ka yahay ama ka nadiif ah ceebihii taliska waxaa uu ii qiray Cabdirisaq Juriile oo mashruuci Fay ee deeqdii talyaaniga ka madax ahaa oo hadana ah wasiirka Qorshaynta ee dawlada Imbagti in Cabdiraxmaan iyo raii’salwasaarihii Talyaaniga ee waqtigaas Karaasi ay ku lahaayeen mashruuca komishan gaadhay ilaa 32 malyan oo doolar oo ay labadoodu kala qabsadeen.

Markuu ahaa wasiirka arimaha dibadaba waxa uu hoos geeyey shirkadii kalluumaysiga ee dawlada wasarada arimaha dibbada oo uu madax uga dhigay Eng Muunye oo reer Baraawe ah oo ilaa maanta haysta, ma ahayn nin caqli badan ee waxaa uu ahaa nin kibir badan oo aqoon yar hase yeeshe waxaa uu gartay in taliskii buruburayo oo waxa uu doonay inuu badbaadiyo laakin waxay ahayd waqti dhamaaday ciyi waa ka baryey. Aniga isaga oo aan awalba i jaclayn ayaanu isku dhacnay waxanna u tagtay warqad aan u qoray maalintii Axada oo mudahaarku dhacay, warqadaas waxaa akhriyey Maxamed Saalax oo ahaa agaasihii guud ee wasaaradayda oo igu yidhi waxaa soo baxday Profisirnimadaadi, waxa dhacday inuu London uga yeedho ninkii uu awalba rabay ee Gacamay oo ku soo beegnay malintii ay Xamar xabadu ka dhacaysay, ninkaas oo isagoo ku jiray guri u dhawaa Madbacada u qaylo dhaansaday isaga iyo xaaskiisa askartii ilaalinaysay madaxtooyada oo la geeyo madaxtooyada oo lagu qabsan gaadhay oo dirqi looga soo saray isaga iyo Siyaad.

Anigu waxaan la socday xaaladda dalku marayo waxaan ahaa nin dhawaan ku soo biiray maamulka sidii aan hore u soo sheegay sidaa darteed socdaal laygu casumay waxaan ku beegay 2 Diinsanbar, casumaadaas oo ka timi shirkadd Kuuriyadda koonfureed ah oo ay xidhiidh lahaayeen wasaaradda Kalluumaysiga waxaan kale oo sii qaatay fiisayaal dhawr dal oo yurub ah sida Jarmalka, Talyaaniga iyo Ingriiska, waxaan joogay muddo toban maalmood ah magaaladda

Siiyool ee Koonfurta Kuuriya, markii aan ka soo laabaty waxan magaaldda London soo galay 13 Disanbar, markii aan socdaalkan u baxayey waxaan kala sii balamay reeraha nin aanu ehel ahaynoo sarkaal ciidamada ahaa inuu soo daad gureeyo marka xaaldu casaarka gaadho, siday u dhacdayba taladaydii ma yeelin ee wefti dibadda u baxaya ayuu ayaamahaasba raacay, 24 Dinasbar ayaan la soo hadalay Muqdisho,waxaa lay sheegay in xaaladii casaankii dhaaftay, ninkii aan ku halaynayey reerahana uu dalka ka maqan yahay, sidaas darteed waxaan goostay in aan xamar dib ugu noqdo waxaan soo raacay diyaaradi ugu danbaysay ee Somali airline ee Xamar fadhiisata waxa safarka la socday agaasimihii waaxda kallunka ee wasaradda waxaa uu ila tegay London, waxaa dhacday intuu London joogay inuu iigu keeno huteelkii aan degana nin Ingiriis ah oo aan aqaanay oo ka shaqayn jiray mashruuc kalluumaysi oo Soomaliya ahaa, Agaasimuhu waxa uu ahaa nin Abgaal ah Xuseen Cali Axmed waxay hore u soo sheekaysteen ninkan Ingiriiska ah waxaanu u sheegay in taliskii Maxamed Siyaad dhacayo oo dalkii Hawiye qabsanayo oo isaggu noqonayo wasiirka Kalluumaysiga, ninki Ingiriiska ahaa oo aan isagu Soomalida kala aqoon markii uu ii yimi waxaa uu ii sheegay warkii Xuseen u sheegay iyo isbedelka dhacaya. Xuseen Cali Axmed ma dareensanayn sida xaalku noqonayo iyo sida uu arrinku ku danbaynayoiyo in kacdoon qabiil ahi oo isna qabiil u sii kala jajabi doono, arrinkaasi wa arrimaha uu fahmi kari wayey aqoonyaahanka Soomaliyeed ee qabiilka dabada geliyey si uu xukun u helowaxa u hilmaamay in qabiilku sii dhalayo qabiil kale oo aanu lahayn meel uu ku joogsado. Waxaa dhacday in Xuseen Anigoo ah wasiirka arrimaha dibadda Soomaliland ay soo fadhiisato garoonka Hargaysa diyaarad uu la socdaa oo ay habeenki ku dhaxday, Xuseen waxaa gurigayga iigu keenay Axmed Xuseen Oomane wasiirki Kalluumaysiga Soomaliland oo ay hore isu yaqaaneen, waannu sheekaysanay isagoo aad uga dayrinaya Xamar iyo siday waxba uga dhismi waayeen, lana yaabsan horumarka Soomaliland gaadhay, markii aanu joognay Rooma ee sugaynay diyaaraddii Somali airline waxaanu la kulanay niman badan oo Abgaal ah oo ay Xuseen is garanayeen oo markaas u ololaynayey USC waxaa ka mid ahaa nin la yiraahdo Eenow oo ah ninka samaystay dekedda Ceelmacaan ee Xaamr alaabtu uga degto haddana ku nool isaga iyo qoyskiisi Virginia waddanka Maraykanka halkaas oo uu guryo ka iibsaday iyo laba nin oo kale oo ABgaal ahaa oo la kala oran jiray Madaxay iyo Laangadhe oo aanan garanayn meel ay ku danbeeyeen, waxay igula kaftameen oo run noqotay inay Xamar soo galayaan 1da Jeenaweri oo ay ka tuurayaan Siyaad Barre taliska waqtigaa waxay ahayd 23

Diisanbar, arrinkaasi run ayey noqotay waa kii kacdoonkii bilaabmay 31 Diinsabar 1990. Anigu waxaan Xamar ka baxay oo u baxay dhinaca Kismaayo 2 Jeenaweri 1991 Anigoo wata reerkaygii, wixii ehel ahaa ee deganaa xamar iyagana waxaan u soo daadgureeyey Kismaayo, waxaan Anigu yaqiinsana in aan Xamar dib danbe loogu noqonayn haseyeeshe dad islahaa marka Maxamed Siyaad ka baxo nabad ayey noqonaysa oo dib ugu laabtay naftoodi ayey ku waayeen, waxaa xiiso leh in aan galay oo ku degay huteel uu laha aDaahir Jaamac Barre (cascasay) oo ay Maxamed Siyaad walaalo ahaayeen galay qolka 04 oo lahaa musqul gudaha ah, niman Daarood ah oo aanu Kismaayo u soo wada qaxnay ayaa igu oran jiraywasiirkii soo baxsaday anna waxaan ugu jawaabi jiray qolka 04 ee Huteelkan ayuu Siyaad iigu imanaya, arrinkaasi dhabayey noqotay 26 Jenaweri 1991 ayuu qolkaygii Anigo ka maqan ku soo degay oo habeenkaas seexday , Maxamed Siyaad Barre habeenkaas oo keliya ayuu u hoyday Kismaayo ka dibna waxa uu u baxay gobalki uu ku dhashay ee Geddo iyo Buurdhuubo ka dibna waxa uu ku geeriyooday waddanka Naajeeriya magaaladda Abuuja 1995 ciddina war kama sheegin siduu u dhintay, walaalkii Cabdiraxmaan Jaamac Barre waxaa uu sheegay marki ay BBC waraysatay inuu habeenkii seexday isagoo caafimaad qaba oo aroortii la arkay isagoo meyd ah. Hore ayaa loo yidhi qofka Ibna Aadanka ah wax kasta oo kele waa lala wadaaga ee geerida lalama wadaago ee waxay ku timaadda keligii oo qofka uun aya dhinta. Maxamed Siyaad mMadaxweynihii

Aniga iyo Cadami waxaan joognay Jabuuti mudadaas loo diyaar garoobayey shirka boorame waxaa noo yimi oo in muda ah na raadinayey ninla yiraahdo Maxamed Xaaji Xuseeen (Berberaawi) wuxuu noo sheegay in laba diyaaradood oo ay leedahay Daallo loo kala diray Laas canood & Boosaaso si ay u soo qaadaan ergooyinkii Warsangeli & Dhulbahante, waqtigaas ma jirin baabuur oo dhulka cidina ma mari jirin meelaha dhaw-dhaw mooye sidaa awgeed ayaa loogu diray diyaaradaha. Waxaa kale oo la yaab noqon kara maxaa ergada Warsangeli looga doonay Boosaaso sababtu waxay ahayd Ceerigaaabo weli laguma heshiin oo shirkii Ceerigaaabo ee aan ka soo sheekaynay ma qabsoomin Magaalooyinka wersangelina ma lahayn garoomo ay diyaaraduhu fadhiisan karaan.

Sidaa awgeed Madaxdhaqameedka, siyaasiyiinta iyo ganacsatada Warsangelin waxay joogeen boosaaso oo ahayd magaalo leh dekad, wado iyo ganacsi sidaas ayaa boosaso u joogeen. Boosaaso weligeed waxay ahayd deegaan Warsangeli oo mar walba wersangeli waa joogay oo ardaaayo Warsangeli ah ayaa markii

talyanigu xukumi jiray deganaa. Kow iyo toban (11) tuullo oo Warsangeli leeyihiin ayaa laga xukuma Boosaso ka mid ahaa degmadaas ilaa waqtigii talyaaniga ilaa maanta. Sida beelaha kale ee Soomaaliland xadka Itoobiya & Jabuuti uga talaabsan yihiin ayaa anaguna xadkaas uga talaabsanahay.

Wuxuu noo sheegay ninki Maxamed Xuseen in diyaaradii Laascanood soo qaaday ergadii beesha Dhulbahante ee shirka Boorame, haseyeeshe diyaaradii Boosaso ee loo diray ergadii Warsangeli waxay ku soo noqotay Jabuuti iyadoo faaruq ah. Shirkii Boorame ee beelaha Soomaaliland iyaguu u xidhan yahay cid lala xidhiidhana la la’ yhay, waxaan ku nidhi anaga naga war sug, markaas ayaan wardoon tagnay ayaan la xidhiidhnay dhulkiiwaxaanna lanoo sheegay in shir lagu qabtay magaaladda Ceelaayo oo laga soo saaray baaq ah in aan shirkaas Boorame la tegin, shirkaa Ceelaayo wuxuu ahaa shir mu’amaradaysan. Markii aan ogaanay ayaan la xidhiidhnay kooxdayadii iyo ragii aan isku aragtida ahayn. Markaas ayaa shir kale lagu qabtay magaalada Badhan oo lagu baabi’iyey baaqii shirkii Ceelaayo oo lagu go’aansadayin la tago shirkii Boorame.

Waxaa xusud mudan markii la qabanayey shirka Badhan ayuu Marxuun Cabdi Shire Diiriye wuxuu yidhi Ceelaayo waxaa jooga xamaaliin ee ma aha meel aayaha Warsangeli looga taliyo isagoo durayey nimankii shirka hore ka qayb galay.

Markii aan ogaanay go’aanka danbe ayaan la xidhiidhnay Aniga iyo Cadami ninkii Maxamed Xuseen oo ku nidhi diyaaradii mar labad u dir, markaas ayuu shakiyey oo yidhi khasaare labaad looma taag hayee ma inaga hubtaan, waxaan u adkaynay in an hubno oo diyaarinay sidaas ayaa lagu diray diyaaraddii oo la soo qaaday weftigii oo dhan oo ardaayadii Warsangeli ku dhan yihiin oo xitaa kuwii hore u diiday ay soo raaceen oo ay ku yimaadeen Boorame oo ka qayb galeen shirkii. Hadaba dad badani ma garanayn sida ay arrintu u fushay oo xitaa aanay ogeyn weftiga Boorame yimi.

Waxay ahayd arrin sir ah oo rag yari ogaayeen laakiin maanta halkan ayaan ku qorayaa waxaa jirtay in badhtamihii 1992 in magaalada Laasqoray iyo nawaaxigeeda ilaa buurta ay qabsadeen niman ahaa Al-itixaad oo Boosaso laga soo eryaday oo Cabdilaahi Yusuf kula dagaalamay halkaas oo ciidamadii Cabdilaahi Yusuf marki ay hubsadeen in xero majeertaan ka saareen oo ay u gudben xerro Warsangeli ay iskaga hadheen. Warsangelim meel uu joogaba wuu is abaabulay dibad iyo gudaba sidii uu magaaladaas qadiimiga ah ee Laasqoray

uga saari lahaayeen nimankaas, waxaa la ururiyey lacag, ciidan xoogan ayaa la sameeyey , waxaa loo yeedhay Saraakiishii dalka iyo dibadaba joogtay, waxaa la sameeyey hay’ad wadani ah SDR oo Jabuuti fadhigeeedu ahaa si ay kaalmada caalamiga ah ee dibada u soo gudbiso.

Suldaanka beesha ee waqtigaas Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud wuxuu awoodi iyo taladii mandaqada Warsangeli u dhiibay ooisagu wakiil ka dhigtay inta nimankaas dhulka laga saarayo Col: Cabdilaahi Axmed Jaamac Matan (Ilko-jiir), waqtigaa shirka boorame loo diyaar garoobayey waxaa socday weli dagaalkii Al-itixaad iyo Warsangeliga sidaas awgeed ninkaas ayaa mandaqadda ka madax ahaa isla waqtigaasna waxa safaaradda Maraykanka ee Jabuuti safiir ka ahaa ninahaa maraykanka madow oo hada magaciisi iga maqan yahay, ninkaasi nasiib wanaag sanadadii lixdamaadkii (1960-) waxa uu ka mid ahaa macalimintii maraykanka ahaa ee la oran jiray(peace crops) wuxuunna macalin ka noqday dugsigii dhexe ee Dayaxa (dayaxa School), ninkaasi wuxuu aha nin aad u yaqaanay soomaalida waqooyi wuxuuna aad u dhiirigelin jiray in shirka boorame, shirkii Ceerigaaabo ee aan ka soo sheekeeyeyna wuu noogu yimi isagoo uu la socdo safiirkii fadhiyey Nayroobi oo soomaaliya uga wakiilka ahaa maraykan isagoo tusaya habhka ay soomaalidu wax u dhamaysan karto (waxay ahayd intaan maydkii askarta maraykan wadooyinka xamar la jiidin)

Hadaba ninkaa safiirka ah waxay isku macalimiin Dayaxa ka ahaayeen Maxamuud Cabdi Xaamud oo madaxdii SDR ka mid ahaa oo markaas ku sugnaa Jabuuti, COL: Ilko isna wuxuu ahaa ardaygiisi oo waqtigaa ku jiray Dayaxa school sidaas ayuu isugu xidhay labadaas nin si uu dagaalka Al-itixaadka uga caawiyo wuunna ka caawiyey oo dad is yaqaana ayey ahaayeen. Anagoo arintaas ogsoon Aniga iyo Cadami lana soconay in diyaaradii hore hungo ku soo noqotay kana cabsoonayna in aanay beesha Warsangeli ka soo qayb geli waydo shirkaa taariikhiga ah ayaan la xidhiidhnay Xaamud oo isna haysta jinsiyad maraykan ah oo aan ka codsanay in uu la xidhiidho safiirkii Maraykanka oo awalba dhiiri gelin jiray shirka boorame una sheego in aanay beeshii Warsangeli weli ka soo qayb gelin shirka sidaas awgeedna uu warqad u qoro saaxiibkii Col: Ilkojiir si uu u soo diro ergadii Warsangeli. Safiirkii wuu aqbalay codsigii oo warqad ayuu u qoray sidata shaanbadii safaarada Maraykanka ee Jabuuti oo uu ku farayo in uu si deg-deg ah u soo diro ergadii

Sidaas ayey ergadii beesha Warsangeli ku timi Boorame oo ay shirkii uga qayb gashay

Waxaa xusid mudan markii ay noo timi warqadii safiirka waxaan u dhiibnay nin oday ah oo la yiraahdo Cali Maxamuud Xabaw oo aan tigidhkii diyarada iyo sahayba sii siinay oo kula balanay in aanu u dhiibin una sheegin cid aan ahayn Col Cabdilaahi (ilko) isna sidii ayuu yeelay oo sidii uu u sii siday ayuu farta ka saaray iyadoo aanay cidina ogayn

Shirkii boorame sidaas ayuu ku furmay kuna dhamaaday iyadoo lagu saxeexay Axdi nabadeedkii iyo Axdi qarameedkii iyo awood qaybsigii

Leave a Reply