Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo lagu soo dhaweeyey Lawyo-caddo

0
875

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici iyo wefti uu hogaaminayo, ayaa lagu soo dhaweeyey Magaalada Lawyo-caddo ee dhacda xuduuda Somaliland iyo Dalka Djibouti.

Weftiga Madaxweyne ku-xigeenka ayaa socdaal hawleed kaga soo noqday dalka Djibouti, halkaasoo uu shalay ka furay shirka Maayarrada degmooyinka maamul-daadejinta ee JSL.

Soo dhaweynta weftiga waxa qayb ka ahaa maamulka gobolka Selal, degmada Saylac iyo masuuliyiinta kale ee  laamaha dawladda heer gobol iyo degmo.

Halkan ka Daawo muuqaal:
[youtube https://www.youtube.com/watch?v=kjCA03aQlWg&w=996&h=560]

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here