Nolosheedu Adiga Ayay Kugu Xidhan Tahay!

0
450

Arday ayaa macalinkiisa oo uu aad u necbaa maalin doonayay in uu su’aal adag weydiiyo si u fashiliyo oo uga guulaysto, ardayduna ugu qoslaan.  Waxa uu soo qabtay shimbir…  Isagoo gacanta ku haya ayuu macalinkii ula yimi waxaana uu ku yidhi :” Macalin, Shimbirtaa aan gacanta ku hayaa miyay nooshahay mise, way dhimatay ?

Ardayga ayaa doonayay in haddii uu ku jawaabo way nooshay.. in uu ciijiyo oo tuso in ay ahayd mid dhimatay… Haddii uu yidhaa way dhimatayna uu sii daayo, oo muujiyo inay nooshahay..

Sidaasi mar walba macalinka jawaabta ku fashilmo.  Laakiin macalinka oo aad mid caqli badnaa ayaa ugu jawaabay ardayga :” Shimbirtan nolosheeda iyo dhimashadeedu waxay ku jirtaa gacantaada”.

Had iyo jeer ha isku deyin inaad qof kaa aqoon iyo maskax badan aad imtixaanto. Haddii kale fashilku adiga ayaa kasbanaya