Wanaajinta Saaxiibada Waalidka!

0
221

Abuu Usayd Maalik ibnu Rabiicah as-Saacidi (Rc) waxaa laga soo xigtay in ay la fadhiyeen Nabiga (SCW) markii uu u yimid nin reer Bani-salama ah oo ku yidhi: “ Rasuulkii Allow, Ma jiraan imika waxa aan wanaag ugu samayn karo labadaydii waalid dhimashadooda kadib?,

Nabigu (SCW) wuxuu ku jawaabay: ” Haa, waa in loo duceeyaa oo dembi dhaaf iyo naxariis loo dalbaa, oo ballankii ay ka tageen la oofiyaa, oo qaraabada xaggooda ka soo jeeda la wanaajiyaa oo wanaag iyo axsaan loo sameeyaa, saaxiibadoodna la xurmeeyaa”. (Abuu Daawuud)