“Fursadaha Aoonsigga Somaliland ee ka Dhashay Diblumaasiyada Madaxweynaha Somaliland

0
122

Qore Mustafe Faro

Harosheekh (Dawan) Guddoomiyaha degmada Haro-sheekh, Cabdirisaaq Yuusuf Nuur, ayaa si qoto dheer uga hadlay guulaha diblumaasiyadeed ee ay gaadhay xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, isaga oo si gaar ah u dul istaagay fursadaha la xidhiidha helitaanka aqoonsiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ee ka dhashay dedaalada siyaasadeed ee xukuumada wadajir iyo waxqabad.

Guddoomiye Cabdirisaaq Yuusuf Nuur, ayaa sidoo kale xusay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro uu yahay hoggaamiye lagu sifeeyo hufnaan, aqoon dowladeed, karti diblomaasiyadeed iyo aragti fog, kuwaas oo uu tilmaamay in ay dhammaantood yihiin astaamo hoggaamineed oo uu dalka ku gaadhsiin karo aqoonsi caalami ah.

Guddoomiyaha degmada Haro-sheekh oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan si daacadnimo iyo daryeel qaranimo ku dheehan tahay u muujinayaa aragtideyda ku aaddan mustaqbalka aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo fursadaha maanta ka dhashay diblumaasiyadda madaxweynaha Somaliland.

Madaxweyne Cirro waa hoggaamiye leh hufnaan, aqoon dowladeed, karti diblomaasiyadeed iyo aragti fog oo uu Jamhuuriyadda Somaliland ku gaadhsiin karo aqoonsi caalami ah.”

Cabdirisaaq Yuusuf Nuur ayaa sidoo kale ugu baaqay bulshada reer Somaliland in ay si dhab ah u fahmaan qiimaha fursadaha aqoonsiga ee maanta taagan, isla markaana loo baahan yahay si looga faa’iidaysto fursdahaasi in taageero buuxda lala garab istaago xukuumadda, waxaanu yidhi “Aqoonsiga Somaliland maaha riyo ee waa yool iyo himilo qaran oo aynu si dhab ah ugu gaadhi karno aqoonsi buuxa, haddii aynu fahanno oo aynu si dhab ah u garano qiimaha fursadda maanta taagan oo aynu ka faa’iidaysano.

Maanta waa wakhtigii ficilka, ee maaha maalintii hadalka. Maanta waa maalintii midnimada iyo wadajirka bulshada reer Somaliland ee maaha maalintii kala fogaanshaha, sidoo kale maanta waa maalintii aqoonsiga Somaliland. Sidaa darteed waxaan bulshada reer Somaliland ugu baaqayaa in ay si buuxda isu garabtaagaan guulahaas siyaasadeed iyo fursadaha aqoonsigeena ee ka dhashay dedaalada diblumaasiyadeed ee Madaxweynaha Somaliland.”

Guddoomiyaha Degmada Haro-sheekh Mudane Cabdirisaaq Yuusuf Nuur waxa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay “Waxaan aaminsanahay in Jamhuuriyadda Somaliland ay aqoonsi buuxa ka helayso beesha caalamka inta uu talada dalka hayo Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

Sidaa darteed, waxaa lagama maarmaan ah in aynu si mideysan u garab istaagno madaxweynaha, una abuurno jawi nabdoon, midnimo qaran iyo taageero dhab ah si uu u xaqiijiyo himilada qarankeena iyo hadafka xukuumaddiisu ku wajahayso helitaanka aqoonsi buuxa oo caalami ah.”