Wada-shaqeynta Wasaaradaha: Furaha Kobcinta Dhaqaalaha

0
112

Hargeysa (Dawan) Magaalada Hargeysa waxa ka qabsoomay 01 September 2025 kulan xambaarsan fariin muhiim ah oo ka baxsan derbiyada xarunta Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska. Labada hay’adood ee kala ah Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska iyo Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha ayaa isku raacay iskaashi joogto iyo wadashayn rasmi ah, kaas oo ah dariiqa kaliya ee lagu gaadhi karo horumar dhaqaale oo waara.

Go’aankani maaha arrin farsamo oo keliya, balse waa qodob siyaasadeed oo u baahan in bulshada iyo ganacsatada gudaha iyo dibadduba si dhow ula socdaan. Somaliland, oo ku taalla goob istiraatiiji ah oo isku xidha Afrika iyo Bariga Dhexe, waxay leedahay fursado dhaqaale oo ballaadhan, laga bilaabo dalxiiska dabiiciga ah, ilaa maalgashiga warshadaha iyo ganacsiga xorta ah. kuwaas oo u baahan in la qaabeeyo sidii looga faa’iidaysan lahaa fursadahan.

Ugu dambayn, wada-shaqeynta labada wasaaradood waa tijaabo muujinaysa sida Somaliland u fahantay in horumarka dhaqaalaha aanu ahayn shaqo hal hay’ad oo keliya, balse uu u baahan yahay qorshe qaran oo mideysan.