Madaxweynaha JSL oo Boorama iyo Gabiley ka Daahfuray Warshado Ogsijiin iyo Mashaariic Caafimaad oo cusub

0
93

Barnaamijkeena caafimaadka ee toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa xadhiga ka jaray laba warshadood oo cusub oo soo saara Oksijiinta loo adeegsado bukaanada cisbitaalada, kuwaas oo laga hirgeliyey Cisbitaalka guud ee Borama iyo cisbitaalka guud ee Gabiley.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa dhagax dhigay ballaadhinta Cisbitaalka Maanka ee Borama, wuxuuna ku dhawaaqay in sidoo kale la keeni doono qalabka CT-Scan-ka oo aan markii hore ku jirin qorshaha cisbitaalka.

Madaxweyne Cirro ayaa carabka ku adkeeyay in xukuumaddiisu mudnaan gaar ah siinayso adeegyada aasaasiga ah ee bulshada, gaar ahaan caafimaadka, isla markaana ay ka go’an tahay in baahiyaha jira laga jawaabo sida ay awoodu u saamaxdo.

Wuxuu bulshada ku boorriyay in ay ilaashadaan hantida iyo qalabka caafimaad ee la keenay, isagoo u mahadceliyay Camuud Foundation doorkooda taageerada caafimaadka.

Waxaanu yidhi.“Waxaan ku faraxsanahay in maanta xadhiga ka jaro warshadii soo saaraysay Oxygenta ee cisbitaalka guud ee magaalada Borama, sidaasi ayay ku hawlgeli doonta haddii Alle yidhaahdo.

Waxa kale oo xukuumadu u balanqaadey CT Scan, oo marka hore aan ku jirin balanqaadyadii cisbitaalka waanu soo socda.

Waxa aynu dhagax dhigeyna cisbitaalka Maanka oo la kordhinayo qaybo badana lagu kordhin doono haddii Alle yidhaahdo, waanu u mahadcelinaya Camuud Foundatoin taageeradii ay ku biirisay cisbitaalka.

Waxaan bulshada reer Awdal kula dardaarmaya in hantidaasi loo sameeyay iyo qalabkaasiba ay ilaashadaan oo dayaca ka ilaaliyaan.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in warshadahan ay si weyn uga jawaabayaan baahida Oksijiinta ee cisbitaalada goboladda Awdal iyo Gabiley, isagoo xusay in warshadda Gabiley ay awood u leedahay inay saacaddii soo saarto laba haamood iyo badh, isla markaana ay haatan haystaan ku dhawaad 80 haamood taasoo wax weyn ka tari doonta baahida caafimaad ee deegaanka.

Waxaanu yidhi.“Waxa sharaf ii ah in maanta warshadii Oxygenta dhalinaysay ee cisbitaalka guud ee degmada Gabiley aan xadhiga ka jareyo, sida la sheegay gobolku warshada muu haysan, haamo ku filana muu haysan, waxa la sheegay in uu haystay lix haamood oo uu la barya tegi jiray oo uu kola Hargeysa u qaadi jiray kola Borama, maanta uu haysto Warshadii oo saacadii soo saaraysa laba Haamood iyo badh, isla markaana ay haystaan 80 haamood in ku dhaw, taasi oo ku filan baahiyaha cisbitaalka iyo dadka degaanka iyo cisbitaalada kaleba, maadama uu dab ku shaqeynayo mushiinkii laydhkana waa loo soo raaciyay.

Waxaan rajeynaya in baahiyaha kale ee cisbitaalkana sidii awoodu noqoto in loo dabooli doono, sababto xukuumadu waxay mudnaan siinaysa adeeg-bixinta aasaasiga ee muwaadinka, oo uu ka mid yahay caafimaadku, waan hanbalyeynaya masuuliyiinta wasaarada caafimaadka iyo guddoomiyaha cisbitaalka guud ee Gabiley”

Nuxurka Fariinta Barnaamijkan.

Barnaamijka caafimaadka ee toddobaadkan wuxuu diiradda saaraya dedaalka xukuumadda Somaliland ee horumarinta adeegyada caafimaadka, gaar ahaan dhismaha iyo qalabeynta xarumaha caafimaad.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa xadhiga ka jaray laba warshadood oo cusub oo soo saara Oksijiinta bukaanada loogu adeegsado, kuwaas oo laga hirgeliyey Cisbitaalka Guud ee Borama iyo Cisbitaalka Guud ee Gabiley.

Warshadahani waxay wax weyn ka tari doonaan baahida Oksijiin ee ka jirtay gobollada Awdal iyo Gabiley.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa dhagax dhigay ballaadhinta Cisbitaalka Maanka ee Borama, isla markaana ku dhawaaqay in la keeni doono qalabka CT Scan oo markii hore qorshaha ku jirin, taasoo muujinaysa go’aanka xukuumadda ee ah in la daboolo baahiyaha caafimaad ee bulshada, marka ay awoodu saamaxdo.

Fariinta ugu weyn ee barnaamijkani gudbinayo waa.

In xukuumadda cusub ay mudnaan gaar ah siinayso adeegyada caafimaadka, inay si toos ah uga shaqaynayso daboolidda baahiyaha caafimaad ee gobollada, in la hirgeliyey mashaariic wax ka beddelay baahi degdeg ah oo dhanka Oksijiinta ah, in bulshada lagu wacyigelinayo ilaalinta hantida guud iyo qalabka caafimaadka, iyo in la bogaadinayo kaalinta ay hay’adaha taageerada bixiyaan sida Camuud Foundation.

Guud ahaan, barnaamijku wuxuu xambaarsan yahay farriin horumarineed iyo rajo ku saleysan in adeegyada caafimaad ee dalka ay si tartiib ah u gaadhayaan heerar wax ku ool ah oo ay dadweynuhu si toos ah uga faa’iidayaan.