Tababaraha Liverpool Arne Slot ayaa sheegay in uu si taxaddar leh ula dhaqmi doono weeraryahanka cusub Alexander Isak, isla markaana aanu ku bilaaban doonin ciyaar kasta muddo toddobaadyada soo socda.
Isak ayaa lasoo tacaalay waqti dheer oo muran suuqa kala iibsiga ah ka hor inta aannu ka tegin Newcastle, waxaana uu ku dhowaaday in muddo bil ah aanu tababar qaadan.
Slot ayaa u sheegay wariyeyaasha:
“Macallinka xulka Sweden, Jon Dahl Tomasson, wuxuu mudan yahay ammaan weyn. Wuxuu heystay mid ka mid ah weeraryahannada ugu tayada fiican Europe – haddii aannu ahayn kan ugu fiican – waxaana uu u baahday inuu ciyaaro laba kulan muhiim ah qaranka. Haddii uu labadaba 90 daqiiqo ciyaari lahaa, wuu dhaawac naan lahaa toddobaadyo badan.”
Wuxuu intaas ku daray:
“Annaguna sidaas oo kale ayaan ula dhaqmi doonaa Alex. Ha filanina inuu ciyaar kasta garoonka ku dhammaysto. Taasi si cad uma dhici doonto maalmaha soo socda.
Isak wuxuu seegay tababarro badan oo xilli-ciyaareed ah, qiyaastii saddex ilaa afar bilood oo kulamo kooxeed ah ayuu maqnaa. Sidaas darteed waa inaan si tartiib tartiib ah u dhisnaa, annagoo ku jirna jadwal aad u culus iyo waqti tababar oo yar.”
Liverpool ayaa xilli ciyaareedkan ka dhigtay Isak saxeexooda ugu qaalisan taariikhda (£125 milyan), balse Slot wuxuu sheegay in qorshuhu yahay in weeraryahanka si taxaddar leh loo ilaaliyo. halkii halis laga gelin lahaa.

























