Chelsea Oo Wajahaysa 74 Dacwadood: Saddex Ciyaaryahan Oo Heshiisyadooda Baadhitaan Lagu Hayo

0
191

Kooxda Chelsea ayaa lagu soo oogay 74 dacwadood oo la xiriira ku xadgudub sharciyada wakiillada ciyaartoyda, sida uu shaaciyay xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska (FA). Warbaahinta Sky Sports ayaa ku warrantay in heshiisyada saddex ciyaaryahan gaar ahaan — Eden Hazard, Samuel Eto’o iyo Willian — ay ka mid yihiin kuwa walaaca dhaliyay.

FA ayaa sheegtay in dacwaduhu ay dhaceen intii u dhexeeysay 2009 iyo 2022, xilligii kooxda uu lahaa Roman Abramovich, hase yeeshee arrimuhu waxey si gaar ah ula xidhiidhaan dhacdooyin dhacay intii u dhaxaysay xilli ciyaareedyadii 2010/11 ilaa 2015/16.

Xeer-jabinta lagu eedeeyay Chelsea ayaa inta badan la xidhiidhta lacagaha la siiyay wakiillada iyo dhexdhexaadiyeyaasha xiddigihii ay lasoo wareegtay, iyo sidoo kale maalgelin lagu sameeyay xuquuqda ciyaartoy badan.

Chelsea ayaa sheegtay in iyadu si iskeed ah u gudbisay macluumaadkan isla markaana ay si buuxda ula shaqeyneyso FA inta uu socdo baadhitaanka.