Golaha Guurtida Somaliland iyo Dawladda Hoose ee Hargaysa oo Iska Kaashanaya Adkaynta Nabadgelyadda

0
214

Barnaamijka Dawladaha hoose ee Wargeyska Dawan todobaadkan waxa aynu diirada ku saari doonaa Golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda hoose ee Caasimadda Hargaysa oo iska kaashanaya adkaynta nabadgelyadda iyo sugida amniga.

Guddi hoosaadka Arrimaha gudaha, nabadgalyada iyo Difaaca ee Golaha Guurtida Somaliland, ayaa kullan muhiim ah la qaatey gudoomiyeyaasha sagaalka degmo ee caasimadda Hargaysi ka kooban tahay iyo masuuliyiinta waaxaha  nabadgelyadda ee degmo kasta.

Kulanka oo ka qabsoomay xarunta guud ee golaha guurtida ayaa ujeedadiisu daarnayd, sidii ay golaha guurtidu xog rasmi ah uga heli lahaayeen, waxna uga waydiin lahaayeen masuuliyiinta degmooyinka Hargaysa xaalka nabadgelyo ee degmooyinka ay maamulaan iyo xaafadaha ka farcama.

Kulanka ayaa waxa furay gudoomiyaha guddi hoosaadka arrimaha gudaha, nabadgelyadda iyo difaaca golaha guurtida Somaliland Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan (Ilkacase) waxaanu masuuliyiinta degmooyinka Hargaysa u faahfaahiyay ujeedad ay ka gole ahaan ugu yeedheen iyo hawsha ay ka wada hadlayaan.

Gudoomiyaha guddi hoosaadka Nabadgelyadda guurtida ayaa hadalkiisa ku bilaabay inuu ugu mahadceliyo gudoomiyeyaasha degmooyinka Hargaysa iyo masuuliyiinta Nabadgelyadda shaqada wanaagsan ee ay ka qabteen sugida aminga caasimadda iyo wada shaqaynta ay la leeyihiin laamaha amniga dalka.

Waxa uu ka waramay gudoomiyuhu inay ka gole guurti ahaan wadaan nidaam ay kula shaqaynayaan laamaha amniga Somaliland, maadaama ay golaha guurtidu u qaabilsan yihiin Qaranka arrimaha Nabadgelyadda, taasi oo ay ka bilaabayaan xagga hoose, taasina ay tahay sababta ay u doorteen inay xog mug wayn oo muhiim ah ka helaan gudoomiyeyaasha degmooyinka caasimadda Hargaysa iyo masuuliyiinta u qaabilsan nabadgelyadda.

Guddidu waxa ay ka xog waraysatay gudoomiyeyaasha degmooyinka xaaladda nabadgelyo ee caasimadda, shaqooyinka xagga amnig ee ay ka qabtaan caasimadda, sida ay ula shaqeeyaan laamaha amniga Qaranka, dhacdooyinka waawayn ee ay kala kulmaan sugida amniga, hiigsiga dhinaca amniga ee dawladda hoose ee Hargaysa iyo sida ay isugu xidhan yihiin xaafadaha ka farcama degmooyinka Caasimadda iyo sida ay uga qayb qaateen nabadgelyadda iyo ilaalinteeda.

 

 

Xildhibaan Caydiid Cabdi Maxamed oo ka mid ah Odayaasha ruuga cadaaga ah ee golaha Guurtida Somaliland ayaa isguna tilmaamay in kulankani yahay mid lagu xoojinayo wada shaqaynta dhinaca nabadgelyadda ee guurtida iyo dawladaha hoose, waxaanu sheegay in loo baahan yahay in la isla jaan qaado, si loo helo bulsho iyo dawlad u diyaarsan ka shaqaynta amniga guud iyo nabadgelyadda Caasimadda Hargaysa.

Dhankooda masuuliyiinta dawladda hoose ee Hargaysa ayaa faahfaahin ka siiyaya guddida nabadgelyadda shaqada muhiimka ah ee ay ka qabtaan amniga caasimadda, waxaana warbixinta siiyay guddida, Agaasimek u xigeenka waaxda amniga dawladda hoose ee Hargaysa Muxuyadiin Maxamed Muxumed oo hoggaaminayay gudoomiyeyaasha degmooyinka Hargaysa.

Sidoo kale Agaasime ku xigeenka waaxda amniga dawladda hoose ee Hargaysa ayaa sheegay inay si dhaw ula shaqaysaa laamaha amniga ee kala duwan ee caasimadda ka hawlgala, taas oo ay u gudbiyaan xogaha amni ee u baahan in wax laga qabto. Gudiyaasha amniga ee xaafadaha ayaa uu sheegay inay laamaha amniga ula shaqeeyaan si community policing ah, iyagoo waxkasta oo ku soo kordha caasimadda la wadaaga laamaha amniga ee degmadooda ka hawgala. Waxa kale oo uu sheegay Agaasimuhu in waaxda nabadgalyadu ay diyaariso warbixino joogto ah sida:-  Warbixin subaxeedka Ø Warbixinta wiiglaha Ø Warbixin lixbilood ah iyo mid sanadle ah Degmooyinka caasimadda hargaysa waxa ka dhaca shirka amniga oo wiigle ah, shirarkaas oo ay Hogaamiyaan Gudoomiyaasha Degmooyinku, waxana shirkaasi uu sheegay inay ka soo qayb galka gudiyaasha nabadgalyada xaafadaha degmada iyo laamaha amniga ee kala duwan ee degmada ka hawl gala, halkaas oo lagu kala qaato wixii warbixina ee ku soo kordhay wiigaas guud ahaan xaafadaha degmada.

Dhankooda gudoomiyeyaasha degmooyinka caasimadda Hargaysa ayaa sheegay inay kulankani oo ahaa mid aad loogu baahnaa iyo golaha guurtidu oo darso xaalkadda nabadgelyo ee xaafadaha iyo degmooyinka caasimadda Hargaysa, waxaanay sheegeen in ay muhiim tahay in wada shaqayn xoogan ay yeeshaan golaha guurtida iyo masuuliyiinta degmooyinka caasimadda Hargaysa, maadaama oo halka ay wax ka dhacayaan iyo cidda u horaysa ee hawshaasi ku dhacaysaa ay yihiin xaafadaha iyo degomooyinka Hargaysa.

Sidoo kale waxa ay tilmaameen in wax laga waydiiyay shaqadii ay gacanta ku hayeen, isla markaan u bandhigeen wixii loo baahan yahay in wax laga qabto iyo tallooyinka ay soo jeediyeen sidii loo sugi lahaa amniga iyo nabadgelyadda caasimadda Hargaysa.

Dhinaca kale waxa ay ku boggaadiyeen guddi hoosaadka arrimaha gudaha, nabadgelyadda iyo difaaca golaha guurtida Jamhuuriyadda Somlailand sida ay ugu heelan yihiin inay xogo ka helaan xaaladda nabadgelyadda xaafadaha iyo degmooyinka caasimadda iyo shaqada ay Qaranka u hayaan ee uu amnigu kow ka yahay.

Godoomiyaha guddida Nabadgelyadda golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland Xildhibaan Maxamed Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan (Ilkacase) ayaa tilmaamay in kullankan aanu ku e’kaan doonin Hargaysa iyo caasimadda balse ay kulamo muhiim ah la yeelan doonaa dawladaha hoose ee magaalooyinka dalka iyo taliyeyaasha Saldhigyada Booliska iyo cid kasta oo ku shaqo leh nabadgelyadda iyo sugida amniga, waan tallaabo golaha guurtida Somaliland oo ku Dardar galinayo wacyiga iyo kor-u-qaadista xaaladda nabadgelyo ee Somaliland.