Qadar oo Keli ku Noqotay cambaareynta Israa’iil ee Xaaladda Qasa

0
141

Dalwadda Qadar ayaa keli ku noqotay cambaareynta  hawgalka dhulka ah ee Israa,iil ku dooneyso in ay ku qabsato Qasa, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda,halka dawladihii kale ee Islaamku wali ka aamusan yihiin xaaladda xasuuqa ah ee ka taagan Qasa oo dhimashadii ugu badnayn laga diiwaan  geliyay illaa Habeen hore.

 

“Qatar ayaa si adag u cambaareysay weerarka dhulka  ee ballaadhan ee Israa’iil ay ku qaaday si ay ula wareegto gacan ku haynta magaalada Qasa. Bayaanka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qadar ayaa lagu sheegay in tallaabadaasi ay tahay fal dagaal oo ka dhan ah shacabka reer Falastiin ee walaalaha aan nahay, isla markaana ay tahay xasuuq sii socda iyo ku xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qadar waxay sidoo kale ka digtay in Israa’iil ay si nidaamsan uga shaqeyneyso burburinta fursadaha nabadeed ee gobolka. Waxay sheegtay in xaaladdan ay halis weyn ku tahay nabadda iyo ammaanka caalamka, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in beesha caalamku muujiso midnimo si loo joojiyo.

Qadar waxay markale ku celisay baaqeeda ku aaddan xal laba dawladood ah (two-state solution) si loo gaadho nabad waarta oo ka dhex dhalata Israa’iil iyo Falastiin.

Dhanka kale, Israa’iil ayaa si xooggan u  duqeysay magaalada Qasa, iyadoo ciidamada milatariga Israa’iil ay ku dhawaaqeen inay bilaabeen hawlgal dhulka ah oo loogu talagalay in lagu qabsado magaalada Qasa. Tani waxay sababtay in kumannaan qoys ay ka qaxaan magaalada Qasa.