Hay’ada Shaqaalaha: Xoojinta Habsami-u-socodka iyo Is- la Xisaabtanka Shaqada

0
114

Qore Khadar M. Dhako

Gabiley (Dawan) Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland ayaa qaaday tallaabo istaraatiiji ah oo lagu xoojinayo habsami-u-socodka iyo isla-xisaabtanka shaqaalaha dawladda. Guddoomiye-ku-xigeenka Hay’adda mudane Xasan Xuseen Cabdi, iyo wefti uu hoggaaminayay oo ay xubno ka yihiin Agaasimaha Guud Md. Siciid Muuse Xoosh, Agaasimaha Waaxda Arrimaha Sharciga Garyaqaan Cabdiqani Saleebaan Jaamac, iyo Isuduwaha Hay’adda ee Gobalka Gebiley, ayaa sameeyay kormeer shaqo oo qoto dheer si loo hubiyo habsami-u-socodka shaqada iyo isla-xisaabtanka shaqaalaha dawladda ee saacadaha rasmiga ah.

Kormeerkan ayaa qayb ka ah dadaallada Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee lagu xoojinayo fulinta Wareegtadii Madaxweynaha JSL ee ilaalinta saacadaha shaqada iyo dhiirrigelinta isla-xisaabtanka shaqaalaha. Intii uu socday kormeerkan qiimaynta ahi, weftigu waxay booqdeen wasaarado muhiim ah, sida:-

  1. Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka
  2. Wasaaradda Horumarinta Beeraha
  3. Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha
  4. Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada
  5. Iyo Wasaaradda Dib-u-dejinta

Isuduwayaasha wasaaradahan ayaa soo bandhigay warbiximno faahfaahsan oo ku saabsan habsami-u-socodka shaqada xafiisyadooda iyo sida ay u hubiyaan in waajibaadka qaranka loo fuliyo si hufan. Sidoo kale, madaxda Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa kulan la yeeshay Badhasaabka Gobalka Gebiley, iyaga oo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa nidaamka isla-xisaabtanka shaqaalaha, ilaalinta sharciga shaqaalaha ee Xeer Lr. 97/2022, iyo hubinta in shaqaaluhu ay si waafaqsan xeerarlka dalka ay u gutaan waajibaadkooda iyo hawsha qaranka ee ay hayaan.

Gunaanad:

Kormeerkan wuxuu caddeynayaa sida ay xukuumadda Somaliland ugu dadaalayso in maamulka shaqaalaha dawladda uu noqdo mid hufan, la isla xisaabtamo, isla markaana waafaqsan xeerarka dalka. Tallaabooyinkan joogtada ah waa aasaaska dhismaha maamul dawladeed oo hufan, dhiirrigelinta adeegga bulshada, iyo xaqiijinta in shaqaalaha ay ka mid noqdaan tiirarka horumarka qaranka. Tallaabooyinkan waxay sidoo kale u horseedayaan Somaliland in ay noqoto tusaale ku dayasho mudan oo la jaanqaadaya hab-maamuuska caalamiga ah ee maamulka dadweynaha.