Barnaamijka caafimaadka ee toddobaadkan, waxaanu diiradda ku saari doonaa booqasho uu wasiirka horumarinta caafimaadka Somaliland ku tagay deegaannada Qoolcadey iyo Ina-guuxaa, halkaas oo uu ka dhagax-dhigay xarumo cusub oo loogu talagalay hooyada iyo dhallaanka.
Sidoo kale, wasiirku waxa uu kulan muhiim ah la yeeshay hay’adda Save the Children si looga wada hadlo horumarinta adeegyada caafimaadka.
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Xuseen Bashiir Xirsi, ayaa maanta kormeer shaqo iyo dhagax-dhigyo muhiim ah ka sameeyey deegaannada Qoolcaday iyo Ina-Guuxaa ee gobolka Maroodi-Jeex, isaga oo halkaas si weyn loogu soo dhaweeyey.
Wasiirka iyo wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo ka kooban masuuliyiin sare oo ka kala socday wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee dawladda, ayaa siweyn loogu qaabilay magaalada Qoolcaday, ee degmada Sallaxley. Waftiga waxaa ka mid ahaa Wasiir ku-xigeenka Duulista iyo Madaarrada, guddoomiyaha hay’adda Dhawrista tayada, agaasimayaal guud iyo masuuliyiin kale.
Intii ay ku sugnaayeen deegaanka Qoolcaday, Wasiirka iyo waftigiisu waxay si rasmi ah u dhagax dhigeen Xarunta Hooyada iyo Dhallaanka ee Qoolcaday, taas oo uu hore ugu ballan qaaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, xaruntani waxay noqon doontaa il muhiim ah oo lagu daryeelo caafimaadka hooyada iyo dhallaanka deegaanka iyo agagaarkiisa, taas oo sare u qaadaysa helitaanka adeegyo caafimaad oo dhow.
Markii laga baxay Qoolcaday, waftigu waxay safar shaqo ku tageen magaalada Ina-Guuxaa, halkaas oo iyaguna si rasmi ah dhagax-dhig ugu sameeyeen xarunta Hooyada iyo Dhallaanka ee deegaankaas.
Xaruntan waxaa si wadajir ah u hirgelinaya bulshada deegaanka, Dawladda Hoose ee Sallaxley iyo Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Xuseen Bashiir Xirsi, ayaa si cad u sheegay in xukuumaddu ka go’an tahay in adeegyada caafimaad ee degmada Sallaxley la gaadhsiiyo heer sare, si shacabka deegaankaas aanay mar dambe ugu baahnaan adeegyo caafimaad oo ay u doontaan Hargeysa ama magaalooyin kale.
Wasiirka oo ka hadlayey xaflad dhagax-dhig ah oo lagu bilaabayay xarun cusub oo Hooyada iyo Dhallaanka ah, ayaa u mahadceliyay Golaha Deegaanka ee degmada Sallaxley, gaar ahaan Guddoomiyaha degmada, oo sida uu sheegay si weyn uga shaqeeyay bixinta dhulka xarunta lagu dhisayo, islamarkaana ballanqaaday in dhismaha la hirgelin doono.
Waxaanu yidhi.“Golaha deegaanka ee degmada Sallaxley aad iyo aad ayay u mahadsan yihiin, gaar ahaan guddoomiyaha degmada oo dhulkiina bixiyay, ballanqaadayna inuu dhisayo, aad iyo aad ayaan ugu mahadnaqeynaa,”
Wasiirku waxa uu sheegay in Xukuumaddu diyaar u tahay inay gudato waajibaadkeeda, oo ay si buuxda ula wareegto xarunta marka la dhammeeyo, iyadoo ay ku jiraan shaqaalaha caafimaadka, dhakhaatiirta, kalkaaliyayaasha, iyo daawooyinka lagama maarmaanka u ah adeegga caafimaad.
“Anaguna xukuumad ahaan wixii waajibaadkayagana ah waa inaanu qabana, waa in aanu la wareegna haddii ILLAAHEY yidhaahdo, oo shaqaalihii, dhakhaatiirtii iyo daawooyinkiiba keena,”Ayuu yidhi.
Wasiirka ayaa tilmaamay in degmada Sallaxley ay ka mid tahay meelaha baahi caafimaad oo baahsan laga dareemayo, balse wasaaraddu qorshaynayso in ay arrintaas wax ka beddesho, iyadoo la keenayo adeegyo caafimaad oo dhamaystiran si dadka deegaanka ay u helaan daryeel caafimaad oo dhow.
Waxaanu yidhi.“Degaanku aad buu u dib dhacsan yahay, balse dhibaatadii iyo horumar la’aantii waxaynu ku beddeleyna waxqabad.
Adeegii Hargeysa loo tegi jiray ayaa lagaga maarmi doona, waxa naga go’an dhakhaatiir iyo kalkaalisooyinba la keeno,”
Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa caddaysay in ay si dhab ah uga go’an tahay inay adeeg caafimaad oo tayo leh gaadhsiiso dhammaan gobollada iyo degmooyinka dalka, si gaar ahna meelaha aan horumarka badan gaadhin.
Hadalkan Wasiirka ayaa dhiirrigelin iyo rajo cusub u ah shacabka degmada Sallaxley, wuxuuna muujinayaa isbeddel dhab ah oo laga dareemi doono nolosha bulshada marka xarunta cusub laga hirgeliyo deegaanka. Xukuumaddu waxay balan qaaday fulinta qeybta ay ka leedahay mashruuca, si loogu beddelo adeeg la’aanta muddo dheer ka jirtay deegaankaas.
Mashruucani waxa uu qayb ka yahay dadaallada ballaadhan ee wasaaraddu ugu jirto sidii loo gaadhsiin lahaa adeegyada caafimaad bulshooyinka ku nool tuulooyinka fogfog.
Wasiirka Caafimaadka, Dr. Xuseen Bashiir Xirsi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madax sare oo ka socday hay’adda caalamiga ah ee Save the Children.
Kulankan muhiimka ah waxa uu diiradda saaray sidii loo horumarin lahaa maalgelinta gudaha ee adeegyada caafimaadka (Domestic Healthcare Financing), si hoos loogu dhigo ku-tiirsanaanta taageerada hay’adaha caalamiga ah oo ay yaraanayso.
Wasiirku wuxuu caddeeyey in dawladda Somaliland ay mudnaan gaar ah siinayso sidii loo heli lahaa nidaam waara oo dhaqaale u helaya adeegyada caafimaadka, si loo xaqiijiyo adeeg joogto ah oo tayadiisu sarreyso. Waxa uu sidoo kale ammaanay kaalinta ay Save the Children ku leedahay hormarinta caafimaadka dalka, isaga oo ku dhiirrigeliyay sii wadista iskaashiga.
Madaxda Save the Children ayaa iyaguna ballanqaaday in ay sii wadi doonaan taageerada iyo wada-shaqeynta, si gaar ahna ay uga shaqayn doonaan sidii loo xoojin lahaa adeegyada caafimaadka carruurta iyo hooyooyinka ee Somaliland.
Dhanka gobolka Awdal, Isuduwaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Dr. Muuse Axmed Aadan, oo ay wehelinayeen mas’uuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda, ayaa soo gunaanaday tababar shan maalmood socday oo lagu qabtay magaalada Boorama.
Tababarkan, oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo hay’adda WHO, ayaa lagu baranayey xirfado cusub oo lagu tayaynayo shaqaalaha ka shaqeeya shaybaadhada caafimaadka, si loo helo adeegyo la isku halleyn karo.
Intaa kadib, Dr. Muuse iyo kooxdiisu waxay sameeyeen kormeer shaqo oo ay ku tageen qaar ka mid ah xarumaha Hooyada iyo Dhallaanka ee magaalada Boorama, si ay u hubiyaan sida shaqada caafimaad loo wado iyo baahiyaha ay xarumahaasi qabaan.
Madaxda xarumahaasi waxay soo bandhigeen adeegyada ay bixiyaan, caqabadaha ay la tacaalayaan, iyo talooyin la xiriira horumarinta adeegyada caafimaad.
Kormeerkan iyo tababarrada ayaa qayb ka ah istiraatiijiyadda wasaaradda ee lagu xoojinayo adeegyada caafimaad ee gobollada dalka, si bulsho kastaa u hesho adeeg caafimaad oo ay ku kalsoon tahay.
Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka waxay mar kale muujisay sida ay uga go’an tahay in la horumariyo caafimaadka hooyada, dhallaanka, iyo bulshada guud ahaan. Mashruucyada cusub, tababarrada joogtada ah, wada-shaqeynta hay’adaha, iyo kormeerrada shaqo waa tillaabooyin cad cad oo loo qaaday dhinaca horumar waara.
Nuxurka fariinta barnaamijkani gudbinayo.
Barnaamijku wuxuu gudbinayaa fariin iftiimineysa horumar iyo isbeddel dhab ah oo laga sameeyo adeegyada caafimaadka ee degmada Sallaxley iyo guud ahaan Somaliland
Dedaalo la taaban karo ayaa lagu beddelayaa xaaladdii adeeg la’aanta caafimaad ee ka jirtay Sallaxley iyo deegaannada ku xeeran Qoolcaday iyo Ina-guuxaa, dowladda Somaliland, wasaaradda Horumarinta Caafimaadka waxaa ka go’an inay adeegyo caafimaad gaadhsiiyaan meelaha aan hore loo gaadhin, mashruuca dhismaha xarumaha hooyada iyo dhallaanka wuxuu tusaale u yihiin ballan-qaadkii dowladda oo laga dhigay ficil iyo iskaashiga dowladda, bulshada deegaanka iyo hay’adaha caalamiga ah sida Save the Children, ayaa ah furaha hirgelinta adeegyada caafimaadka.
Xukuumaddu waxay ballan qaaday inay si buuxda ula wareegi doonto xarumaha marka la dhammeeyo oo ay ku jiraan dhakhaatiir, kalkaaliyayaal, iyo dawooyin.
Degmada Sallaxley waxay noqon doontaa meel adeeg caafimaad leh, si loo yareeyo safarrada caafimaad ee lagu aado magaalooyinka sida Hargeysa, caafimaadka hooyada iyo dhallaanka ayaa ah mudnaanta koowaad ee mashruucan.
Ujeeddada Guud ee Barnaamijka
In la muujiyo isbeddel muuqda oo ku wajahan kor u qaadista adeegyada caafimaadka, gaar ahaan meelaha fogfog ee aan horey u helin daryeel caafimaad habboon, iyadoo loo marayo mashruucyo la taaban karo, iskaashi ballaadhan iyo hogaamin rasmi ah oo ka timaadda dowladda Somaliland.

























