Barnaamijkeena dawladaha hoose ee toddobaadkan, waxa aynu diiradda ku saaraynaa degmada Gabiley, iyada oo dawladda hoose ay qaaday tallaabo weyn oo lagu horumarinayo deegaanka iyo nolosha bulshada.
Sanadkan, waxaa magaalada Gabiley lagu beeri doonaa 40,000 (afartan kun) oo geed, kuwaas oo si qorshaysan loogu kala qaybiyey dhammaan xaafadaha magaalada.
Dawladda hoose waxay sheegtay in ujeedada mashruucani yahay, in la ilaaliyo degaanka, in la yareeyo abaaraha iyo xaalufinta dhirta iyo in kor loo qaado bilicda iyo caafimaadka bulshada degmada Gabiley.
Mashruucan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo lagu gaadhayo mustaqbal cagaaran, isla markaana bulshada la dhiirrigelinayo inay si firfircoon uga qayb qaataan daryeelka deegaanka.
Sidoo kale dawladda hoose ee Gabiley waxay sheegtay in bishii u dambaysay, waxaa horey loo dhammaystiray wajigii koowaad ee mashruuca, iyadoo la beeray 2,935 geed oo lagu kala beelay xaafado kala duwan oo ka tirsan magaalada Gabiley.
Dowladda hoose ayaa ololahan dhir-beerista hal-ku-dhig uga dhigtey “Geedku waa nolosha bulshaduna waa furaha guusha”
Geesta kale dowladda hoose ee Gabiley ayaa bulshada ugu baaqday in ay door muuqda ka qaataan, daryeelka, biyo siinta iyo ilaalinta geedaha la beero.
Waxaa la ogyahay in geeduhu ay muhiim u yihiin nadiifinta hawada, kala bixinta kulaylka, iyo xoojinta caafimaadka guud ee deegaanka iyo dadka ku nool.
Mashruucani waxa uu sidoo kale horseed u noqon karaa mustaqbal cagaaran, waara, oo ay ku faa’iidaystaan jiilasha dambe.
Gabiley Cagaaran waa Gabiley caafimaad qabta qof kasta oo deegaanka ka tirsan waxa laga doonayaa inuu, ka hortago jarista ama dhaawaca geedaha la beerayo, ka shaqeeyo ilaalinta iyo qurxinta agagaarka gurigiisa, ka qayb qaato wacyigelinta dadka kale ee deegaanka, hal geed oo aad badbaadisaa, waxay badbaadin kartaa naf, hawada, iyo mustaqbalkaaga.
Ujeedada barnaamijkani waa in lagu iftiimiyo hawlaha horumarineed ee ay wadaan dawladaha hoose, gaar ahaan kuwa la xidhiidha, daryeelka deegaanka, horumarinta adeegyada bulshada, kobcinta bilicda magaalooyinka iyo ka qaybgalka bulshada ee mashaariicda horumarineed
Barnaamijku wuxuu kor u qaadayaa wacyiga bulshada, wuxuuna dhiirrigelinayaa in dadweynuhu si toos ah uga qayb qaataan ilaalinta iyo horumarinta deegaanka, iyagoo garwaaqsanaya doorka ay dawladaha hoose ku leeyihiin nolol maalmeedka bulshada.






















