Xubinta labaad ee barnaamijkeena waxa aynu ku soo qaadanaynaa Waaxda arrimaha bulshada ee Dawladda Hoose ee Hargeysa, gaar ahaan Xafiiska Caafimaadka.
Waaxdani waxa ay dhawaan si rasmi ah u daah-furtay tababar soconaya muddo 14 cisho, tababarkan oo loogu talagalay shaqaalaha kala duwan ee ka hawlgala Xarumaha Hooyada iyo Dhallaanka (MCH) ee ay Dawladda Hoose maamusho.
Tababarkan ayaa ujeeddadiisu tahay in la xoojiyo aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha caafimaadka, in kor loo qaado tayada adeegyada la siiyo hooyada iyo dhallaanka, loona diyaariyo shaqaale u heellan daryeelka bulshada
Tani waa tallaabo kale oo muhiim u ah horumarinta adeegyada caafimaad ee hoose, taasoo qayb ka ah qorshaha ballaadhan ee Dawladda Hoose ee Hargeysa ay ku tayaynayso adeegyada ay bulshada u qabato.
Furitaanka tababarkan waxaa si rasmi ah u furay masuuliyiin sare oo ka tirsan dawladda hoose iyo wasaaradda caafimaadka, kuwaas oo ka mid ahaayeen, Khadar Yuusuf Cali agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda, Axmed Weheliye agaasimaha waaxda arrimaha bulshada Dr. Axmed Nasri madaxa qaybta caafimaadka ee dawladda hoose, Dr. Mahad Cabadi Yaasiin isuduwaha Caafimaadka gobolka Maroodi-jeex, waxaaney dhammaan masuuliyiintani si qoto dheer uga hadleen qiimaha uu tababarkani u leeyahay horumarinta adeegyada caafimaad, kobcinta aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha MCH-yada iyo doorka tababarkani kaga jiro tayaynta adeegyada bulshada ee ay Dawladda Hoose bixiso
Ujeedada tababarkan ayaa ah mid diirada lagu saarayo kor u qaadista tayada adeegyada hooyada iyo dhallaanka, xoojinta wacyigelinta caafimaadka bulshada, kordhinta xirfadda shaqaalaha caafimaadka, si ay u gaadhsiiyaan bulshadooda adeeg hufan oo tayo leh.
Tababarkan wuxuu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee ay Dawladda Hoose ee Hargeysa ku doonayso in la horumariyo adeegyada caafimaad ee hoose, la gaaro bulsho caafimaad qabta, isla markaana la xoojiyo kaabeyaasha caafimaad ee magaalo-weynta Hargeysa
“Shaqaalaha caafimaadku waa laf-dhabarta adeegyada bulshada, tababarkani waa maalgelin toos ah oo loogu talagalay caafimaadka dadweynaha”Ayey yidhaahdeen masuuliyiinta furitaanka ka qaybgalay.






















