Marcus Rashford: Xdig Manchester United is dhaafisay oo Guul u horseeday Barcelona

0
129

Weeraryahankii hore ee Manchester United, Marcus Rashford, ayaa bandhig cajiib ah sameeyay isagoo laba gool u xidhay Barcelona guushii 2-1 ee ay ku gaareen Newcastle kulankoodii furitaanka Champions League.

Rashford oo 27 jir ah ayaa muujiyay tayadiisa, isagoo ammaanay tababaraha Barca Hansi Flick kaas oo uu sheegay inuu dib ugu soo celiyay kalsoonidiisa kaddib waqti adag oo uu ku soo maray United xilligii Ruben Amorim.

Rashford ayaa ciyaarta kaddib yidhi:

“Hansi Flick waa tababare heer sare ah, waa qof weyn. Waxa keliya ee uu ku farxi doono maaha saddexda dhibcood ee aan helnay, balse sidoo kale sida aan u guuleysanay.

Markasta oo ay cayaartu ku adkaato cadaadiska sare, haddana waxaan isku daynay inaan kubbadda ka soo saarno  dhanka dambe. Mar kasta ma shaqeyso, balse waxaan u muuqanay koox togan, tayadana waa mid wax abuuri karta.”

Wuxuu intaas ku daray:“Waxaan dareemayaa kalsoonida uu tababare Flick i siiyay. Kahor intaanan iman waxaan ogaa inuu yahay tababare weyn, balse la shaqeyntiisa dhab ahaantii waa wax lagu raaxaysto.”

Guushaan ayaa sidoo kale fariin u noqotay tababare Amorim oo Manchester United ku dhibtoonaya, iyadoo Rashford uu muujiyay in Barcelona ay ku soo celisay heer ciyaareedkiisii ugu fiicnaa