Xiddiga Ku Guulaystay Abaalmarinta Ballon d’or-ka Sanadkan Oo La Ogaaday

0
180

Wararka kasoo baxaya dalka Faransiiska ayaa tilmaamaya in xiddiga PSG iyo xulka Faransiiska, Ousmane Dembélé, loo magacaabay ciyaaryahanka ugu fiican kubadda cagta adduunka sanadkan, isagoo ku guuleystay Ballon d’Or 2025.

Koontada MatchdayHQ ee barnaamijka X (Twitter hore) ayaa daaha ka rogtay in qaban-qaabiyeyaasha abaalmarinta ay horeyba ugu wargeliyeen Dembélé inuu yahay guuleystaha, iyadoo France Football ay rasmiyan gudoonsiin doonto biladda ugu weyn kubadda cagta.

Xiddigan farsamada iyo xawaaraha cajiibka ah ku caan baxay ayaa noqday hoggaamiyaha muuqaalka kubadda cagta caalamka, kaddib xilli ciyaareed uu ku muujiyay heerar aan caadi ahayn – ha ahaato kooxdiisa PSG ama xulka qaranka Faransiiska.

Dembélé ayaa si gaar ah PSG ugu hoggaamiyay guushii taariikhiga ahayd ee Champions League, isagoo door weyn ka qaatay kulammadii ugu adkaa, gaar ahaan kuwii kama-dambaysta oo uu ka noqday xiddigii go’aamiyay.

Haatan, Ousmane Dembélé waxaa loo arkaa inuu si dhab ah ugu biiray liiska xiddigaha ugu waaweyn ee soo maray kubadda cagta