Madaxweynaha Faransiiska oo ku Baaqay in Cuna-qabateyn lagu soo Rago Iran

0
178

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa Khamiistii sheegay in uu filayo in cunaqabatayn caalami ah dib loogu soo rogo Iran dhammaadka bishan. Wuxuu hadalkan ka sheegay waraysi uu siiyay TV Israel. Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters, weriyuhu wuxuu Macron weydiiyay haddii cunaqabateynta la saarayo barnaamijka nukliyeerka ee Iran la soo celin doono ‘dhammaadka bishan’?

“Haa. Waxaan u maleynayaa sidaas, sababtoo ah macluumaadka ugu dambeeyay ee ka imanaya Iran ma laha miisaanka ay mudan tahay.” Bishii hore, Ingiriiska Fransiiska iyo Jarmalka waxay bilaabeen hanaan lagu soo celinayo cunaqabataynta Qaramada Midoobay.

Habka dib-u-soo-celinta waa qodob si toos ah dib u soo rogaya dhammaan cunaqabataynta adag ee Qaramada Midoobay ee jiray ka hor 2015 haddii loo arko in Iran ay ku xadgudubtay shuruudaha heshiiska nukliyeerka.