Faransiiska oo Joojinaya Iskaashigii Amni ee u la lahaa Dalka Mali

0
141

 

Wararka ka imanaya Paris ayaa sheegaya in Faransiisku uu joojiyay iskaashigii ka dhanka ah ururada Islaamiyiinta ah ee uu la lahaa Mali, isla markaana uu eryay laba diblomaasi oo u dhashay Mali — oo la sheegay inay yihiin saraakiil amni.

Tallaabooyinkan la soo sheegay ayaa yimi ka dib markii bishii hore la xidhay sarkaal amni oo Faransiis ah oo ka tirsan safaaradda Bamako loogana shakiyay inuu doonayay inuu xasillooni darro ka abuuro Mali.

Mali ayaa sidoo kale ku dhawaaqday in shan diblomaasi oo Faransiis ah ay yihiin persona non grata (dad aan dalka laga rabin)– laakiin waxay ka tageen Mali dhammaadkii todobaadkii hore.

Diblomaasiga Faransiiska ah ayaa lala xidhay dhowr sarkaal oo sare sare oo ka tirsan ciidamada militariga Mali.