Wasaarada Waxbarashada oo ka bilawday olalaha Wacyigelinta barashada farsamada gacanta Gobalada Maroodijeex Awdal iyo Saaxil

0
146

Qore.Khadar Maxamud Cismaan.

Barnaamijka Waxbarashada ee  toddobaadkan waxaaynu ku soo qaadanaynaa  Wasaarada Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska  Somaliland oo Daah-furtay olalaha Wacyigelinta barashada farsamada gacanta Gobolada Maroodijeex Awdal iyo Saaxil.

Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-Jeex, Maxamed Xuseen Muuse, ayaa olalaha Wacyigelinta barashada farsamada gacanta ka bilaabay Dugsiyadda sarre ee Caasimadda Hargeysa,kaas oo diiradda lagu saarayo dhiirrigelinta ardayda dugsiyada sare in ay bartaan xirfadaha gacanta iyo shaqo-abuurka,iyadoo ardayda lagu boorinayo muhiimadda ay farsamooyinka gacantu u leeyihiin mustaqbalkooda shaqo iyo kobcinta dhaqaalaha bulshada.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in barashada farsamada gacantu tahay fure shaqo-abuur iyo horumar bulsho, isla,markaana ay qayb weyn ka qaadan karto yareynta shaqo la’aanta dhalinyarada.

Dhinaca kale Agaasimaha Waaxda Farsamada gacanta ee Wasaarada Waxbarashada Somaliland Maxamed Cumar Cali “Gaas oo uu wehliyo Guddoomiyaha Wasaaradda Waxbarshadda, Barbaarinta Iyo Sayniska ee Gobolka Awdal Xuseen Caateeye Gaafane, Guddoomiye ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada gobolka Awdal iyo saraakiil kale oo ka tirsan waxbarashada ayaa ayaa olalaha  wacyigalinta barashada  farsamada gacanta ku soo maray  Dugsiyada sarre ee Magaalada Boorama.waxaana ay ardayda ku booriyaan barashada Farsamada gacanta.masuuliyiintan ayaa fasalada  fagaarayaasha dugsiga Sheekh Cali Jawhar iyo Cabdilaahi Axmed Good ku qabtey wacyigalin la xidhiidha faa’iidooyinka farsamada gacantu u leedahay ardaydu in ay bartaan xirfadaha farsamada gacanta.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Saaxil Ibraahin Digaale Maxamed oo ay wehelinayeen saraakiil ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada gobolka Saaxil ayaa ardayda dugsiyada  Magaalada Berbera ku Wacyigaliyay barashada  Farsamada gacanta.

Guddoomiye Ibraahim Digaale iyo saraakiil  ardayda dugsiyada hoose-dhexe iyo Sare halkaa kala hadlay ayaa ku Wacyigeliyey muhiimmadda Farsamada Gacanta iyo sida loogu baahan yahay in ay bartaan aqoonta xirfadaha.

Ololahan wacyigelinta farsamada gacanta ayaa socon doona muddo shan maalmood ah kaas oo diiradda lagu saari doono sidii ardayda loogu sheegi lahaa mudnaanta iyo muhiimadda aqoonta xirfadaha farsamada gacanta.kaas oo  qeyb ka ah dedaallada lagu dhiirrigelinayo dhalinyarada in ay bartaan xirfadaha farsamada gacanta, si ay mustaqbalka ugu suurtagasho in ay shaqo-abuur sameeyaan, isla markaana ay ka qeyb qaataan horumarinta dalka