Gabadh wariye ah oo shaqada laga eryay iyo Xadiga lacagta Abaalmarinta loo Siiyay

0
72

 

Warbaahinta Qaranka Australia (ABC) ayaa lagu amray in uu raalligelin buuxda iyo lacag ku dhaw boqol kun oo Dollar xaalmarin u siiyo gabadh wariye ah oo shaqada lagaga eryey qoraal ku saabsan dagaalka Qasa oo ay baraha bulshada dhigtay.

Maxkamad heer federal ah ayaa warbaahinta ABC ku heshay in ay gef ka gashay Antoinette Lattouf oo ah gabadh wariye ah oo si halhaleel ah shaqada looga eryey bishii Desembar 2023, ka dib markii kooxo u ololeeya Israa’iil ay dacwad ka gudbiyeen.

Tallaabada shaqada looga eryey Lattouf oo lagu micneeyey midab-takoor, ayaa warbaahinta ABC u soo jiiddey dhaleecayn ballaaran oo uga timid dadweynaha iyo kooxaha u dhaqdhaqaaqa xaquuqda aadamiga, ku waas oo su’aalo ka keenay siyaasadaha ABC ee ku aadden mabaa’diida madaxbannaanida, dhexdhexaadnimada iyo sinnaanta.

Garsoore Darryl Rangiah oo dacwaddan qaadday ayaa sheegtay in meel looga dhacay xaquuqda qofnimo ee Antoinette Lattouf, ka dib markii maamulka ABC uu u hogtay cadaadis uga yimid kooxo danley ah. Maxakamaddu waxay ku xukuntay warbaahinta ABC ganaax lacageed oo gaaraya $99,200 iyo raalligelin buuxda, si taasi cashar ugu noqoto cid kasta oo ku fikireysa in ay xadgudub caynkan ah gasho.

Eedda loo qabsaday Lattouf ayaa ahayd in ay sii wadaagtay qormo ay daabacday hay’ada xaquuqda aadanaha ee Human Rights Watch, taas oo Isra’il ku eedeysay in cuneqabateynta dadweynaha u adeegsadaan hub ahaan, taas oo ah eedeyn ay ku soo celceliyaan kooxaha u ololeeya xaquuqda aadanaha, balse ay Israa’iil iska diiddo.