Mid ka mid ah dhakhaatiirta Australia oo si mutadawacnimo ah ugu shaqeysanayay cisbitaalka al-Shifa ayaa BBC u sheegay in maalin walba ay la kulmaan dhacdo dad badan ay ku dhinteen, halka mid kalena uu ka sheekeeyay sida cunug laga soo badbaadiyay jidhka haweeney uur leh oo madaxa laga gooyay.
Ciidamada Israa’iil ayaa hadda 500 mitir u jira cisbitaalka iyaga oo ballaadhinaya duullaanka dhulka ah si ay si buuxda ugula wareegaan magaalada Qasa, taas oo milatariga Israa’iil ku sheegtay goob ay ku xoogan yihiin”. Xamas.
Goob joogayaal ayaa sheegay in taangiyada ay ku sii siqayaan badhtamaha magaalada iyagoo ka kala imanaya koonfurta iyo waqooyi-galbeed.
Cisbitaalka Al-Shifa ayaa mar ahaa xarunta caafimaad ee ugu weyn marinka Qaza. Ka dib 23 bilood oo dagaal ah, hadda waxay ku soo haray burbur leh qaybo gubtay iyo godadka rasaasta ay ku habsatay.
Laakiin Dhakhaatiirta guduhu waxay u shaqeeyaan si xad-dhaaf ah qaar badan oo ka mid ah sariiraha ayaanan lahayn xitaa furaashyo, dawooyinku waa gabaabsi, khasaaruhuna waa mid aan dhammaad lahayn.
“Kaliya waa dil wadareed, dil, jidh dil,” waxa sidaasi BBC-da ugu sheegtay wicitaan muuqaal ah Talaadadii, Dr Nada Abu Alrub, oo ah khabiir ku taqasusay xaaladaha degdega ah oo Australia ka timid oo si mutadawacnimo ah ugu shaqaynaysa isbitaalka.
Waxay sheegtay inay ku hawlanaayeen bukaannada uu dhawaaca halista ah soo gaadhay “ugu yaraan ama ay adag tahay in la suuxiyo”.
“Ma jiraan wax xanuun baabi’iye ah sidoo kale, addimahoogu waa kuwa dhamaaday oo waa maqaar iyo seedaha. Xubnuhu waa maqan yihiin. Waa wax laga naxo,” ayay raacisay.
Toddobaadkii hore, ayay tidhi, dhakhaatiirtu waxay ku qasbanaadeen inay qalliin degdeg ah ku sameeyaan haweeney uur sagaal bilood ah leh oo madaxeeda uu qarxay. Waxay ku guulaysteen dhakhaatiirta inay gabadheeda badbaadiyaan.
Dr Saya Aziz, oo ku taqasusay suuxiinta bukaanada la qalayo kana soo jeeda Australia, ayaa sharraxay sida wiil lix jir ah oo gacanta iyo lugaha ka jaban uu sugayey muddo saddex maalmood ah qaliin lagu saarayo qalabka dibadda ah sababtoo ah dhakhtarka kaliyaha ee dhakhtarka lafaha ee cisbitaalka ayaa ku qasbanaaday inuu mudnaanta siiyo kiisas ka sii daran.
“Laba saacadood kasta waxaa jira kiisas badan oo ah dad xubnaha laga jarayo ,” ayay u sheegtay BBC.
“Waxaa daadsan dhiig sariiraha korkood, ma jiraan qalab, ma jiraan wax beddela. Waxaadna arki kartaa murugada shaqaalaha daryeelka caafimaadka






















