Xisbiga WADDANI oo Door Weyn ka Qaatay Xoojinta Iskaashiga Caalami ah

0
69

Nairobi (Dawan)- Booqashadii dhawaan ay madaxda Xisbiga talada dalka haya ee WADDANI ay ku tageen safaaradda Somaliland ee dalka Kenya ayaa muujisay isbeddel muhiim ah oo ku saabsan fahamka kaalinta xisbiyada siyaasadeed ee ku aaddan horumarinta iyo ka qayb-qaadashada siyaasadda arrimaha dibadda. Weftiga uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali X. Xasan, oo ay wehelinayeen Guddoomiye Ku-xigeenka xisbiga Yuusuf Axmed (Waabeeye) iyo Axmed Yuusuf Xuseen, ayaa Kenya kula kulmay diblomaasiyiinta safaaradda, kulamadaas oo lagaga wada hadlay arrimo la xidhiidha iskaashiga Somaliland iyo Kenya, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, ganacsiga, maalgashiga, iyo doorka bulshada qurbajoogta ah ee Bariga Afrika.

Doorka Weftiga WADDANI ee Siyaasadda Arrimaha Dibadda:

Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu muujiyay qaab cusub oo soo ifbaxaya, kaas oo xisbiyada qaranku, ha ahaadeen muxaafid ama mucaarad, ay door weyn ka qaadanayaan difaaca iyo horumarinta danaha qaran. Booqashadan WADDANI waxay tusaale u tahay “diblomaasiyadda furfuran ee madaxweynaha Somaliland, taas oo xisbiyada qaranka fursad u siisay in ay si firfircoon uga qayb-qaataan horumarinta siyaasadda arrimaha dibada qaranka Somaliland.

Kenya oo ah Lammaane Istaraatiiji ah

Kenya waxa ay leedahay miisaan istaraatiiji ah oo gaar ah. Waa xarunta ugu weyn ee dhaqaalaha Bariga Afrika, isla markaana waxa ku nool bulsho Somaliland ah oo aad u tiro badan oo door muuqda ku leh dhaqaalaha, siyaasaddda iyo xidhiidhka caalamiga ah. Mudnaanta weftiga xisbiga WADDANI siiyay booqashada safaaradda Nairobi waxay ka tarjumaysaa in Kenya loo arko albaab muhiim u ah in Somaliland ay ka hesho fursado dhaqaale iyo diblomaasiyadeed oo ballaadhan.

Muhiimadda Safarka WADDANI:

Bbooqashadani waxay gudbinaysaa farriin muhiim ah oo muujinaysa in siyaasadda arrimaha dibadda aanay ahayn mid kaliya waajib ka saaran yahay xukuumadda talada haysa, balse waa masuuliyad qaran oo wadaag ah. Booqashada weftiga WADDANI ee safaaradda Somaliland ee Kenya waxay caddeynaysaa in dhaqanka siyaasadeed ee Somaliland uu qaan-gaadh yahay, isla markaana xisbiyadu noqdeen ka qaybgalayaal rasmi ah oo arrimaha dibadda ah.