Washingtone (Dawan)- Michael Rubin, oo ah falanqeeye sare oo ka tirsan machadka American Enterprise Institute ee dalka Maraykanka, isla markaana agaasime ka ah Middle East Forum, ayaa maqaal uu ku daabacay Washington Examiner ku muujiyey sida ay Somaliland tusaalaha muuqda ugu tahay hufnaanta dowladnimada, xasilloonida iyo dimuqraadiyadda dhabta ah. Isaga oo beesha caalamka u soo jeediyay in ay aqoonsadaan Somalland, gaar ahaan dawladda Maraykanka.
Rubin wuxuu sheegay in Somaliland ay leedahay taariikh dheer oo dowladnimo, islamarkaana ay si madax-bannaan u heshay xorriyaddeeda sannadkii 1960-kii, taas oo ay si rasmi ah u aqoonsadeen ku dhawaad 30 waddan. Ka dibna ay Somaliland si ikhtiyaari ah ula midoowday Soomaaliya (Talyaaniga), balse midowgaasi uu burburay, isla markaana uu ku soo dhammaaday si xanuun badan kadib markii daladdii milatariga ahayd ee Siyaad Barre ay xukunka kula wareegtay si xoog ah. Waxaanu xusay in Somaliland ay tan iyo 1991-kii, ay ahayd dal madax-bannaan oo dimuquraadi ah.
Michael Rubin waxa uu maqaalka si weyn u ammaanayaa horumarka Somaliland ee dhinacyada doorashooyinka dimuqraadiga ah, amniga, iyo maamulka wanaagga, iyada oo aanay jirin taageero la taaban karo oo ay ka heshay beesha caalamka. “Somaliland waa dal ammaan ah, xasiloon oo ku tallaabsadsay horumar muuqda, isla markaana ah si joogto ah u hirgeliya doorashooyin dimuquraadiya oo xor iyo xalaal ah. Somaliland waa dalkii ugu horreeyay ee aduunka isticmaala nidaamka diwaangelinta codbixiyayaasha ee bu’da isha (Iris-scan biometrics) si looga hortago wax is-daba marinta doorashooyinka. Somaliland waxay mudan tahay in la aqoonsado si loogu abaalmariyo dadaalka ay ku dhistay dawladnimadeeda,” ayuu Michael Rubin ku yidhi warbixintiisa.






















