Maayirka Gabiley oo Xil Muhiim u Magacaabay Wiil Naafo ah iyo Bulshada oo Soo Dhawaysay

0
111

Barnaamijka dawladaha hoose ee Wargeyska Dawan todobaadkan Qormada koowaad waxa aynu diiradda ku saari doonaa maayerka Gabileyo o ku dhiiraday inuu xil muhiim ah u dhiibo wiil naafo ah, kaasi oo ay bulsha gobolku soo dhaweeyeen magacaabistiisa.

Maayirka degmada Gabiley, Mudane Cabdirashiid Haybe Faarax (Daacad), ayaa qaaday go’aan geesinimo leh oo abaal marin iyo tusaale u noqon kara dhammaan hoggaamiyeyaasha dawladaha hoose ee dalka. Maayirku waxa uu wiil naafo ah oo bulshada si weyn u garab taagnaa u magacaabay La-Taliyaha Dadka Baahiyaha Gaarka ah Qaba ee Dawladda Hoose ee Gabiley, tallaabadaas oo si weyn ay u soo dhaweeyeen qaybaha kala duwan ee bulshada.

Shakhsiga la magacaabay waa Mustafe Maxamed Ibraahim, oo ah wiil naafo ka ah laxaadka jidheed balse leh awood maskaxeed, hami, iyo niyad heer sare ah, isla markaana muddo dheer u soo shaqaynayay arrimaha bulshada gaar ahaan dadka naafada ah ee gobolka Gabiley.

Magacaabista Mustafe waxa ay astaan u tahay in kartida qofka aan lagu xukumin xaaladdiisa jidheed, balse lagu qiimeeyo waxa uu bulshada u qaban karo. Maayirka Gabiley waxa uu si cad ugu muujiyay tallaabadan in dadka baahiyaha gaarka ah qaba ay xaq u leeyihiin ka mid noqoshada maamulka iyo go’aan qaadashada.

Tani waa dhacdo aan hore uga dhicin gobolka Gabiley ama xitaa dalka intiisa badan taasoo Mustafe ka dhigaysa qofkii ugu horreeyay ee naafo ah ee xilka muhiim ah ka qabta dawlad hoose.

Mustafe Maxamed Ibraahim waxa uu muddo sideed sano ah si toos ah uga shaqaynayay horumarinta bulshada gobolka Gabiley.waxa uu ka hawlgalay caafimaadka, waxbarashada, iyo adeegyada aasaasiga ah ee ay u baahnaayeen dadka naafada ah. Mustafe waxa uu ahaa u qaabilsane Dalladda Naafada ee heer qaran ee gobolka Gabiley.

Mustafe Maxamed Ibraahim ayaa sheegay in uu xilkan loo magacaabay ugu shaqayn doono dadka uu ka midka yahay ee baahiyaha gaarka ah qaba isla mrkaana codkooda uu gaadhsiin doono meelaha loo baahan yahay in la gaadhsiiyo waxaanu yidhi“Xilkan la-taliye ee maanta la ii magacaabay waxa uu ii yahay masuuliyad weyn. Waxaan ballan qaadayaa inaan codka dadka baahiyaha gaarka ah qaba meel sare gaadhsiin doono, isla markaana aan noqon doono lafdhabarta daryeelkooda.”

Wuxuu sidoo kale xusay in uu qorshaynayo inuu labanlaabo dadaalkii hore ee uu ku gaadhay waxbarasho bilaash ah, adeeg caafimaad, iyo la-talin bulsho oo gaar u ah dadka laxaadkoodu xadidan yahay.

Go’aanka Maayirka ayaa noqday mid dareen farxadeed ku reebay bulshada Gabiley. Odayaasha, dhalinyarada, haweenka, xildhibaanada golaha deegaanka iyo ururada bulshada rayidka ah ayaa si buuxda u taageeray magacaabista Mustafe, iyagoo sheegay in uu yahay shaqsi xilka u qalma, isla markaana muujinaya isbeddel dhab ah.

“Maayirka Gabiley wuxuu noqday masuulkii ugu horreeyay ee shaqaalaysiiya qof naafo ah. Tani waa dhiirrigelin iyo fursad ay dadka naafada ahi ku dareemayaan in la tixgeliyo,” ayuu yidhi mid ka mid ah bulshada Gabiley.

Mustafe waxa uu sidoo kale u mahad celiyay Maayirka Gabiley waxaanu yidhi

“Waxaan u arkaa Maayirka Gabiley inuu yahay hoggaamiye taariikhi ah. Waa hogaamiye arkay awoodda dadka baahiyaha gaarka ah qaba, una furay albaab cusub oo fursad iyo kalsooni leh.”

Magacaabista Mustafe Maxamed Ibraahim waxa ay astaan u tahay kalsoonida iyo qiimaha ay dawladdu siineyso muwaadiniinteeda, iyada oo aan loo eegin caqabadaha jidheed ee heysta. Waa tallaabo muujinaysa in naafadu ay yihiin dad wax qabsan kara, hogaamin kara, lana dhisi karo bulsho isku filan oo horumarsan.

Tani waa cashar u furan dhammaan masuuliyiinta dalka in la abuuro jawi ay dadku u siman yihiin fursadaha, lagana gudbo aragtida liidata ee dadka naafada ah. Mustafe wuxuu noqon karaa bilow cusub  mid dhiirrigeliya rajada iyo isku kalsoonaanta kumannaan qof oo naafada ah.