Muhiimadda ay Cilmi-baadhistu Uleedahay Seerayaasha JSL

0
80

Barnaamijka dhaqashada Xoolaha, waa barnaamij todobaadle ah oo ka soo baxa Wargeyska Dawan, kaasi oo aynu ku soo qaadano macluumaad kala duwan oo ku saabsan dhaqashada Xoolaha sida caafimaadka Xoolaha, kaalinta ay ugu jiraan bulshada, qaababka loo horumariyo taranta Xoolaha, noocyada kala duwan ee ay Soomaalidu dhaqdaan, sida deegaanada ay ugu noolaadaan, si ay deegaanada Soomaalidu ugu kala duwan yihiin dhaqashada Xoolaha, qaabkii ay dadkii hore u dhaqan jireen Xoolaha iyo qaabkan casriga ah ee hada soo kordhay in loo dhaqo xoolaha.

Banaamidkeena maantuna waxa uu diirada saarayaa muhiima seerayaashaa ee xiliyada abaaruhu ay ka dhacaan dalka, sida ay xooluhu ugu baxaan, caqabadaha, fursadaha, Cimilada isbadalaysa iyo sida ay lagamamaar maanka u tahay hirgalinta seerayaal dalka oo dhan.

Abaaraha soo noqnoqda ee ka dhaca deegaanada Somaliland ayaa saameyn weyn ku yeesha nolol-maalmeedka bulshada xoolo-dhaqatada ah. Mid ka mid ah xeeladaha dabiiciga ah ee lagu yareeyo saamaynta abaarta waa seerayaasha meelaha si gaar ah loo ilaaliyo si ay daaq iyo biyo ugu jiraan xilliyada adag. Doodan cilmiyeed ayaa lagu falanqaynayaa muhiimadda seerayaashu u leeyihiin xoolaha nool marka abaaruhu dhacaan.

Dadka qaba aragtiyaha ama dooddaha taageersan Muhiimadda Seerayaasha ayaa waxay sheegaan in seerayaashu yihiin habka ugu waxtarka badan ee lagu ilaaliyo daaqa dabiiciga ah. Maadaama Marka roobku da’o, seeraha la xidho si geedaha iyo cawska u koraan, waxaana la furaa marka xilliga abaartu timaaddo. Sidaas, xooluhu waxay ku helaan cunto iyo biyo xilliga adag ama abaarta ay kaga baxaan.

Waxa kale oo jirta in marka la doonayo in meel laga sameeyo Seere ay keento tuhun iyo shaki soo dhexgala Bulshada deeegaankaas iyo xukuumada taasi oo salka ku haysa in dadka deegaanku ay u qaataan in seeraha cid gaar ah looga faa’iidaynayo, waxana arimahaasi inta badan yimaadaan marka aan ka hor inta aan la xidhin Seeraha bulshada loo samayn wacyi galin ku aadan muhiimada seeruhu leeyahay iyo seeruhu yahay wax duniduba isticmaasho, cida ka faa’iidaysanaysaa na ay tahay dadka xoola dhaqatada ee deegaanka la rabo in laga hirgaliyo Seeraha.

Geesta kale waxan iyana aan meeyasha ka maqnayn in Cimilada isbeddeleysa ay mararka qaar sababto in seerayaashu aysan noqon sidii la rabay taasi oo ahayd in wakhtiga Abaarta iyo Jiilaalka ba xooluhu ay seeraha ay ka helaan Biyo iyo Baad, gaar ahaan haddii roobabku dib u dhacaan. Taasi waxay yarayn kartaa waxtarka seeraha.

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga iyo Jaamacadda Hargeysa ayaa si wada jir ah u qabtay Dood Cilmiyeed Cinwaankeedu yahay “Muhiimadda ay Seerayaashu u leeyihiin Xoolaha Nool Xilliyada Abaarta ee Somaliland”.

Dooddan oo lagu qabtay Jaamacadda Hargeysa waxa ka soo qayb galay Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga, Cumar shucayb Maxamed, Guddoomiye-ku-xigeenka Arrimaha Waxbarashada Jaamacadda Hargeysa, 𝐃𝐫. 𝐅𝐮’𝐚𝐝 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 𝐎𝐛𝐬𝐢𝐲𝐞, Ardayda Kuliyadda Xanaanada Xoolaha, Aqoonyahanno ku takhasusay xoolaha, Deegaanka, Beeraha iyo Marti Sharaf kala duwan.

Qodobada Muhiimka ah ee Doodda Lagu Falanqeeyey waxa ka mid ahaa Kaalinta seerayaashu ku leeyihiin ilaalinta Daaqa iyo Degaanka si loo yareeyo khasaaraha abaarta, Doorka ay seerayaashu ka qaataan kor u qaadista wax-soosaarka xoolaha iyo caafimaadkooda, Sida loo maamulayo loona ilaalin karo seerayaasha si waxtarkoodu u noqdo mid joogto ah, Baahida loo qabo wadashaqeyn ka dhexaysa Dawladda, Jaamacadaha iyo Bulshada si loo xoojiyo Daryeelka xoolaha, Xoojinta cilmi-baadhista iyo Tababarrada Ardayda si loo helo aqoonyahanno cusub oo gacan ka geysta horumarinta dhaqaalaha xoolaha, in bulshada loo sameeyo wacyigelin ku saabsan muhiimadda seerayaasha iyo ka hortagga xaalufinta Dabiiciga ah.

Wacyigalinta Bulshada Xoolo dhaqatada ah.

Wacyigalinta xoola dhaqatada Somaliland oo lala fadhiisti si loo fahansiiyo faa’iidada seerayaashu u leeyihiin dadka iyo xoolaha waana mid ka mid ah siyaabaha lagu yarayn karo kacdoon bulsho iyo nin fulinta seeruhu hirgliwaydo taaso oo lagaga dheeranayo lagagana hortagayo qabad ka timaad dhanka bulshada.

Tuulooyinka ku teedsan Banka Qool-Caday ee Degmada Salaxley ayaa maalmihii u dambeeyay martigelinayay safarro shaqo iyo wacyi-galin qaran oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga, Md. Ahmed Osman Jama (Tala-same).

Safarkan ayaa ahaa mid qayb ka ah qorshe ballaadhan oo wasaaraddu ku dardargelinayso isfahamka, wada-shaqeynta iyo hufnaanta nidaamka shaqo ee mashruuca Banka Qool-Caday, kaas oo hadda maraya wejigii sahaminta iyo qorshe dejinta.

Agaasimaha Guud ayaa shacabka deegaanka ku boorriyay inay si dhow ula shaqeeyaan khubarada iyo injineerada mashruuca, kuwaas oo muddo todoba maalmood ah hawlo cilmiyeed iyo sahamin farsamo ka fulin doona deegaanka Qool-Caday.

Wuxuu xusay in guusha mashruucu ay ku xidhan tahay wada-shaqeyn dhab ah iyo kalsoonida bulshadu ay ku qabto mashruuca, maadaama mashaariic badan oo horumarineed ay ku fashilmaan marka la waayo iskaashi iyo wacyi waayaha ku salaysan.

“Mashruucani ma aha mid dowlad keli ahi leedahay, waa mid deegaanka intifaacsan doono. Haddii aad si daacad ah u wada shaqeysaan, wuxuu noqon doonaa tusaale lagu faano oo wax ka beddela nolosha reer miyiga.” Ayuu yidhi agaasimaha wasaaradda xanaanada xoolaha iyo horumarinta reer miyiga Somaliland.

Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga, iyadoo kaashanaysa hay’adda SDF (Somaliland Development Fund), ayaa siwada jir ah u qorsheynaya in Banka Qool-Caday laga dhiso mashruuc wax weyn ka beddeli kara tayada calafka xoolaha, ilaalinta deegaanka, iyo dhaqaalaha reer miyiga.

Agaasimaha Guud wuxuu xaqiijiyay in sahamintu tahay tallaabada ugu horreysa ee lagu hubinayo in mashruucu noqdo mid waara oo natiijo dhab ah leh, isla markaana aanu noqon mashruuc ku dhasha degdeg iyo qorshe la’aan.

Safarkan wacyi-galinta ah ee Agaasimaha Guud ku tagay deegaanka Banka Qool-Caday wuxuu ahaa mid isku daray hoggaan muuqda, aragti horumarineed, iyo dhaqan mas’uuliyad leh oo ku wajahan bulshada reer miyiga.

Bulshada deegaanka ayaa si weyn u soo dhaweeyay fariintiisa, iyagoo ballanqaaday inay si buuxda ula shaqeyn doonaan khubarada mashruuca inta uu hawsha sahamintu socoto.

Waxaa magaalada Hargeysa ka qabsoomay madal muhiim ah oo lagu falanqaynayay xaaladda wax soo saarka calafka xoolaha, taas oo qayb weyn ka qaadan doonta isku xidhka danayeyaasha kala duwan ee ku hawlan arrimaha calafka xoolaha.

Intii uu shirkaasi socday, waxaa lagu lafa guray caqabadaha iyo fursadaha ka jira dhinaca wax soo saarka calafka, iyadoo ay ka qayb galeen mas’uuliyiin ka kala socday hay’adaha dawladda, kuwa gaarka loo leeyahay, ururrada bulshada iyo daneeyayaal kale oo muhiim u ah horumarinta qaybtaas.

Shirkan ayaa muhiim u ahaa kor u qaadista wada shaqaynta iyo is-dhexgalka danayeyaasha, si loo helo hannaan waara oo lagu horumarinayo wax soo saarka calafka xoolaha ee dalka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaannada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga, Ahmed Osman Jama (Talo-same), oo shirka furay, ayaa u mahadceliyey ka qaybgalayaasha, isagoo hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay iskaashiga joogtada ah ee u dhexeeya dawladda iyo qaybaha kale ee daneeya horumarinta xoolaha iyo calafkooda.

Ugu dambayntii, ka qaybgalayaashu waxay isku raaceen in la sameeyo guddi hawleed oo dardar-gelin doona wada shaqaynta danayeyaasha, xalinta caqabadaha jira, iyo sidii loo abuuri lahaa suuqyo waara oo ay si fudud u heli karaan soo saarayaasha calafka xoolaha.

Guddigan cusub ayaa la filayaa inuu noqdo mid horseeda iskaashi midho-dhal ah oo kor u qaada wax-soo-saarka iyo horumarka dhinaca calafka xoolaha ee dalka.

Gabogabaddii:

Barnaamijka “Dhaqashada Xoolaha” ee todobaadlaha ah ee ka baxa Wargeyska Dawan waxa uu si qoto dheer uga hadlay muhiimadda seerayaasha xilliyada abaaraha, doorka ay ku leeyihiin ilaalinta daaqa iyo deegaanka, iyo sida ay u taageeraan nolosha xoolo-dhaqatada Somaliland. Dood cilmiyeedkii ay si wada jir ah u qabteen Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Jaamacadda Hargeysa ayaa iftiimisay in seerayaashu yihiin xalka ugu habboon ee lagu yareyn karo saameynta abaaraha, isla markaana lagu kobcin karo wax-soo-saarka iyo caafimaadka xoolaha.

Waxaa sidoo kale la tilmaamay baahida loo qabo wacyigelin bulsho, iskaashi u dhexeeya dawlad, jaamacado iyo bulshada deegaanka, si loo hubiyo in seerayaasha loo maamulo si cadaalad ah oo waxtar leh. Safarrada wacyigelinta ee uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Md. Ahmed Osman Jama (Talo-same), gaar ahaan mashruuca Banka Qool-Caday, waxay muujiyeen muhiimadda ay leedahay in bulshada lagu wacyigeliyo faa’iidada seerayaasha iyo ilaalinta deegaanka.

Ugu dambayntii, shirkii lagu falanqaynayay wax-soo-saarka calafka xoolaha ayaa lagu adkeeyay muhiimadda iskaashiga danayeyaasha kala duwan si loo helo hannaan waara oo lagu horumarinayo dhaqaalaha reer miyiga. Dhammaan arrimahan waxay muujinayaan in horumarinta seerayaasha, calafka, iyo wacyigelinta bulshada ay yihiin furaha mustaqbal waara oo xoolo-dhaqatada Somaliland.