Cisbitaalka Gabiley Oo Lagu Wareejiyay Mishiin Weyn Oo Laydh

0
607

Wasiirka ku-xigeenka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Nimco Xuseen Qawdhan oo ay wehilayaan Wasiirka Ganacsiga iyo Maal-gashiga Somaliland Dr. Muuse Qaasim Cumar iyo xildhibaan Cabdilaahi Baalaki iyo Masuuliyiin kale oo tiro badan,ayaa ka qayb galay xaflad mishiin dab dhaliye ah oo lagu wareejinayay Cisbilaatka guud ee degmada Gabilay.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Nimco Xuseen Qawdhan oo munaasibadda Mishiinka loogu wareejinayay ka hadashay,ayaa ugu horrayn waxay u mahad naqday Hay’adda Hadia Medical Swiss oo mishiinka ugu deeqday Cisbitaalka Guud ee degmada Gablilay.
“Ugu horrayn waxaan u mahad naqayaa Hay’ada Hadia Medical Swiss oo aan odhan karo waxay ugu ballan qaaday iyo ka badan-ba way soo gaadhsiisay Cisbilaatka guud ee degmada Gabilay,”ayay tidhi Marwo Nimco Xuseen Qawdhan.
Wasiir Ku xigeenka waxay intaas ku dartay “Waxaan ognahay in cisbilaaka Gabilay uu ku yaallo meel xaasaasiya waddo dheer ayuu ku yaallaa waxaa ku badan shilalka,waxaan filayaa in laydhkani uu wax badan ka tari doono hawl maalmeedkiisa uu qabanayo,haddii ay tahay mishiinada EX-RA-ga (Sawirka) ee la kiciyay iyo haddii ay tahay mishiinada tiyaatarka ee la kiciyay-ba waxaanan ognahay haddii aanu cisbitaalna haysan laydh ku filan in ay hawlihiisu gabaabsi yihiin,waxaanan filayaa n hawlihiisii uu bulshada u hayay in uu halkaa ka sii wadi doono oo uu sii laban-laabi doono.”

Leave a Reply