Dulucda Shir Lagu Falan-qeeyay Iskaashiga Ammaanka Iyo Ganacsiga Somaliland Iyo Itoobiya

0
634

Shir ku wajahnaa wax-wada qabsiga ammaanka iyo ganacsiga ee labada dale e Somaliland Iyo Itoobiya oo labadii maalmood u dambeeyay uga socday magaaladda Diridhaba ee dalka Itoobiya ayaa shalay la soo gebagabeeyay. kaasi oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya.
Waxa weftiga ka socday dhinaca Somaliland isugu jiray xubno ka kala socday wasaaradaha arrimaha dibadda, ganacsiga, qorshaynta, sirdoonka iyo Maamulka dekadda Berbera. Iyada oo weftiga Somaliland uga qaybgelay shirkaasi ay hormood ka ahayd wasaaradda arrimaha dibadda oo hoggaaminaysay weftigaasi.
Sidoo kale masuuliyiinta weftiga ka socday dhinaca Itoobiya ee shirkaasi ka qayb galay ayaa waxa hormood ka ahayd wasaaradda arrimaha dibadda ee dawladda Itoobiya oo iyadu shirkaasi soo qaban qaabisay.
Wasiirka Arrimaha dibadda iyo is-kaashiga caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, oo xalay telefoonka ugu waramay wargeyska DAWAN, isaga oo joogay Hargeysa ayaa sheegay in shirkaasi shalay lagu soo gebagabeeyay magaaladda Diridhaba oo noqonaya kii saddexaad ee noociisa ah ay yeeshaan Somaliland Iyo Itoobiya in uu gogol xaadh u yahay shir kale oo la filayo in uu dhawaan ka dhaco magaaladda Addis ababa.
Wasiirku waxa uu sheegay in shirkaasi dambe ay ka qaybgeli doonaan xubno Wasiirro ah uu madaxweynaha Somaliland magacaabay, kuwaasi oo ay ka mid yihiin wasiirrada arrimaha dibadda, qorshaynta, ganacsiga, saraakiil ka tirsan sirdoonka iyo masuuliyiin ka socda dekedaha, iyada oo weftigaasi uu hogaamin doono isagu.
Wasiirku Isaga oo shirkaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Sida aad la socotaan shir weyn ayaa shalay (doraad) iyo maanta (shalay) oo ka dhacay magaaladda Diridhaba ee dalka Itoobiya, oo ay ka qaybgaleen dhawr iyo labaatan qof oo ka socda Somaliland iyo dhawr iyo labaatan qof oo iyagna ka socday Itoobiya, shirkaasi oo lagaga hadlayay amaanka iyio ganacsiga, waxaanu shirkaasi u dirnay koox culus Somaliland ka socotay, waxaana weftiga xagga Somaliland ka socday hogaaminaysay wasaaradda arrimaha dibadda oo hormood ka ahayd, laakiin waxa xubno ka ah ahaa ganacsiga, nabad sugida iyo qorshaynta, masuuliyiin ka socday dekedda Berbera oo uu ka mid ahaa maareeyaha dekedda Cali Xoor-xoor. Arrimaha lagaga wada hadlayayna waxaa ugu muhiimsanaa sidii aanu dawladda Itoobiya uga wada shaqayn lahayn amaanka iyo horumarinta ganacsiga, waxa kale oo ka mid ahaa weftiga ka socday dhinaca Itoob iya masuuliyiinta iyo shaqaalaha safaaradda Itoobiya ee Hargeysa”.
Waxaanu intaasi raaciyay “Shirkaasi waxa uu gogol-dhig u ahaa shir dhici doona oo ay Wasiirro ka socda labada dawladood ee Itoobiya iyo Somaliland oo kan ku xigaya, kaasi oo labadda dawladood ku wada hadlayaan, oo ay wasaaradaha arrimaha dibadda ee Somaliland iyo Itoobiya hogaamin doonaan, wasaar4adaha maaliyadda, dekedaha, ganacsiga, amaanka iyo ilaalinta nabadgelyada lagaga wada hadlayo, waana shirkii saddexaad oo dhaca. Marka imika ay weftigu shirkaasi ka soo noqdaan waxa loo diyaargaroobayaa shirka danbe ee uu shirkani gogoldhig u ahaa, kaasi oo ay dhianca Somaliland ka qaybgeli doonaan aniga oo ah wasiirka arrimaha dibadda, wasiirka daakhiliga, wasiirka ganacsiga iyo wasiirka qorshaynta, afartaasi xubnood oo aan anigu hogaaminayo Madaxweynuhuna magacaabay, wasiiradaasi oo iyagu hawlahaaasi qaabilsan, shirkaasi danbena waxa la filayaa inuuu ka dhaco magaalagadda Addis ababa. Weftiga ka socday dhinaca Somaliland ee ka qaybgalay shirka ka dhacay Diridhaba, waxaa hogaaminaysay wasaaradda arrimaha dibadda, iyada oo uu hormood u ahaa agaasimaha wasaaraddu, shirkuna laba maalmood ayuu socday” ayuu yidhi wasiirku.
Dhinaca kale Wasiirka arrimaha dibadda oo aanu wax ka waydiinay warar mudooyinkan danbe soo baxayay oo sheegayay in dawladda Itoobiya ay xidhay xadka ay la wadaagto Somaliland ayaa sheegay in taasi ay la xidhidho arrimo xagga amaanka ah, waxaanu tilmaamay in xidhitaanka xadka ay dawladda Somaliland la ogoshahay, isla markaana ay hore ugu wargelisay arrintaasi, isaga oo xusay in tallaabadaasi ay tahay cilaaqaadka labada dawladood ka dhexeeya ee dhianca nabadsugida.
waxaanu yidhi “Xidhitaanka xuduudka ee Itoobiya waxay ku lug leedahay arrimo xagga amaanka ah, anaguna Somaliland waanu la ogolnahay, oo wixii nabadgelyo darro geysanaya in aanu ka wada shaqayno waa mid aanu la ogolnahay waanay noo sheegeen, waxaanay ka mid tahay cilaaqaadka laba wadan ka dhexeeya ee arrimaha nabad sugida, si aanay dad nabadgelyadda waxyeelaya ugu gudbin.”
Waxa kale oo uu wasiirku ka hadlay warar la xidhiidha in dawlada Soomaaliya lagu wareejiyay maamulka dhinaca hawada ee Somaliland, waxaanu yidhi “Run ahaantii wararkaasi waa iska been abuur ee warar sugan oo aanu ka haynaa ma jiraan, hase yeeshee, way tageen weftiga Soomaaliya, annaguna warqad ayaanu u dirnay, raga u madaxda ah, Qaramadda Midoobayna waanu u sheegnay iyo beesha caalamkaba, dawladda Xamar-na waanu u sheegnay in aanay ka bixin wixii shirarkii lagaga wada hadlay ee lagu heshiiyay runtii warkuna xagooda ayuu ka soo baxay laakiin wax rasmi ah weli lama hayo.”
Sidoo kale waxa aanu Wasiirka wax ka waydiinay halka ay marayso safaarada ay dawladda Kenya ka furanayso magaaladda Hargeysa. “Safaaradda ay daawladda Kenya ka furanayso Somaliland hawlaheeda meel fiican ayay marayaan waraaqihiina waanu kala saxeexanay, guriga ay xafiiska ka dhiganayaana way kiraysteen, shaqalihiina way keenayaan. Anaguna waxaanu ku hawlan nahay in sidii aanu xafiiskaa uga furan lahayn Nayroobi, safiirkayagii iyo waraaqihiiba waanu u dirnahay.”

Leave a Reply