Dhibaatada Qaadka, Iyo Dhacdooyin Kooban Oo Ka Turjumaya Dhaxalkiisa

0
816

Waxa Halkkeenii inooga sii socondoona Taxanaheenihii ahaa, Dhibta Iyo Mushkiladaha Dul Hoganaya dadka Qaadka Cuna,Waxaanan Si Kooban usoo qaadanaynaa uguna Lafagurayna a Dhacdooyin Kooban, oo ku Saabsan Mushkiladaha qaadka ay ka faa,iidaan dadka Cuna, ama aan idhaahdee Muqayiliintu, ama si kale udhigee   Ehlu Mirqaanku, waxaanan soo sheegnay 5 dhacdo, oo an si kooban ugu soo sheegnay Qormooyinkii ka horeeyay qoraalkan, maantana aan Guda galo Dhacdada 6aad ee aan kusoo qaadanayno   Taxaneehan, ;- WAXAAN SHAQAYSTAY MAANTA $6 DOOLAR, lAAKIIN $3 DOOLAR WAXAAN SIISTAY   MAJIN QAAD AH,   $3DOOLAR EE SOO HADHAYNA WAXAAN QAAD UGU QAADAY SAAXIIBKAY. Nin ka Mid ah   Shaqaalaha Ku xoogsdada Mihnada Wastaadnimada, amaba Meelaha qaar looga yaqaan Fuundiga, ayaa iiga sheekeeyay Dhacdadan oo Isaga laf ahaantiisa ayaana sameeyay;- Waxa uu ii sheegay inuu leeyahay 5 Caruura iyo Hooyadoood, waxana uu ku shaqaystaa   Mihnada wastaadnimada, waxana uu ii sheegay inuu Subax u kalahay Shaqo,   ILLAAHAY mahadiisna wuu   ku guulaystay, waxaana uu qaatay mushahar u dhigma $6 doolar, waxana uu ii sheegay   inuu $3 Doolar   Siistay Mijin Qaad ah, Baaqigii soo hadhayna   oo dhan $3   doolarna Saaxiibkay ayaan qaad ugu qaaday ayuu yidhi, waxa kaloo uu sii raaciyay sheekadan Waxaan amaahday, Quraacdaydii, Qadadaydii, Sigaarkaygii iyo Shaahiiba. Su,aalaha u Baahan jawaabaha Waafiga ahi, Miyaanay ahayn Xoogiisii, Xoolihiisii Iyo Waqtigiisiiba, Miyaanu Ku Caawin Itoobiya amaba Kiiniya? Caruurtiisii Iyo Xaaskiisii uu usoo shaqo tegay Miyaanu ka doorbidin   Caawimada aan Loo Ogayn ee uu   Caawiyay Beeraha Qaadka ee Itoobiya ama Kiiniya? Haduu Aabuhu sidan u dhaqmayo una yahay   Musrif, aan Waxba dhiganayn, Masuuliyadiisuna tahay, Sidaad Qaad u heshaa Caruurtiisu Haday qayilaan   AAbe iska daaya Miyuu ku odhan karaa? Mar hadaan Aabahana Fiyuujarka Ubadkiisa ku Xisaabtamayn , Caruurtiisu Haday Tahriibaan   Maysagaa Tahriibshay Mise Iyagaa tahriibay? Hadaad Qayisho Maanta, Berritana Qayisho, Saa Danbena Qayisho, Ma Qaadka Itoobiya Iyo Kiiniya ayaa dhamaanaya Mise   Ilkahaaga Iyo Lacagtaada Iyo Waqtigaaga qaaliga ah ayaa dhamaanaya ? MIYAANSE ILAAHAY KU WAYDIINAYN MAALINTA QIYAAME MAXAAD KAGA JAWAABI? KEYSE DHALAC123@GMAIL.COM

Leave a Reply