Duruusta Laga Barto Soonka

0
762

Soonku wuxuu ka mid yahay 5ta arkaanul islaamka , waa rukun ka mid ah rukumada islaamka. Soonku waa (cayn fardh) ku waajib kof kasta oo muslim ah, oo qaan dhaadha , oo miyir qaba , oo kari waraaya ( dib ugu noqo shuruudaha soonka ) . Soonka waxaa laga soomaa cuntada – cabitaanka iyo wax kasta oo soonka kaa jebinaaya ( carab iyo cagba ) . Hadaba haddii qofkii muslimka ahaa uu kari karay in uu ka soomo (cuntadii + cabitaankii) oo ah wixii uu ku noolaa ee aanu la ‘ aantood noolaan karaynin , hadaba miyaanu kari karayn inuu wanaagaa uu bartay halkaa ka sii wado iyo dhaqamadii wanaag sanaa ee uu duruusta ku qaatay bishan ramadaan ee barakaysan . Soonka waxa loogu talo galay inaad naftaada ku carbiso oo dhaqaman aan islaamiga ahayn aad ku reebto . Soonku waa deris (course ) sanadkiiba bisha ramadaan ku soo maraaya , si aad horumar uga gaadho dhinaca akhlaaqda suuban . akhlaaqdaa islaamiga ah ee wanaagsan ee (course -ka ) u gashay waa inaad ku sii dhaqantaa . Dhaqan kasta oo xun oo aad bishan ramadaan aad iska deysay waa inaanay noloshaada dib ugu soo noqon . Imtixaanka bishan haddii aad ku guulaysato waa inaad u dyaar garawdaa ka sanadka danbe , si aad haddii eebbe ka dhigo aad halkaa duruus cusub u qaadato . Hadaba waxaad iswaydiisaa : maxaad dhaqankaaga ka bedeshay ramadaantii ina soo dhaaftay ilaa ramadaantan aanu iminka ku jirno ? Maxaad se doonaysaa in aad dhaqankaaga ka bedesho ramadaantan aynu iminka ku jirno , ilaa iyo ramadaanta danbe haddii eebbe ina gaadhsiiyo ? Hadaba waxaad ogaataa soonku bisha ramadaan waxa weeye deris aad iskaga dayn karto , dhaqan (akhlaaq) kasta oo xun oo aad lahayd . Soonku maaha inaad cuntada iyo cabitaanka oo qudha ka af-xidhnaato , ee soonku waxa weeye duruus aad xaaraanta oo dhan aad iskaga dayn karto . Bal qof kastaw adigu dhaqankaaga iyo akhlaaqdaada miisaan oo qiimee ? BAL QOF KASTAW ADIGU IS-WAYDII MAXAA AKHLAAQDAADA IYO DHAQAN KAAGA KA XUN EE AAD KU BEDELI LAHAYD BISHAN BARAKAYSAN ? QOFKA MUSLIMKA AH , WAXA U ASTAAN AH EE UU KU FAANI KARAA , WAA AKHLAAQDIISA ISLAAMIGA AH EE SUUBBAN ? WAA DHAQANKIISA WANAAGSAN EE ISLAAMIGA AH ? BAL HADABA ADIGI QOF MUSLIM AH OO NOOCEEYA AYAAD TAHAY ? DIINTU WAA AKHLAAQ . HADABA MAXAAD DOONAYSAA INAAD SOONKA KA BARATO . IL-LAYN SOONKU WAA DURUUS E ? RAMADAAN KARIIM WA KULLA CAAM WA ANTUM BIKHAYR WA CAAFIYA . CALI MAXAMED BIIXI caliwwelli@hotmail.co.uk

Leave a Reply