Farxadda Iyo Walaaca Qaad Joojinta UK

0
625

24kii bishan ina dhaaftay ee June 2014 ayay si fiican u Rumowday Riyadii dad badan oo ku nool Dalkan UK oo Habeen iyo Maalinba u Rabbi tuugayay in ay soo afjaranto Aafadii Qaadku uu ku hayay bulshadeena, waxaad meel kasta ka arkaysay damaashaadka iyo farxada la isugu bushaaraynayay joojinta Qaadka, run ahaan farxadaasi waxay ahayd mid qof cuni jiray iyo qof aan cuni jirinba uu si isku mid ah usoo dhaweeyay marka laga reebo dad faro ku tiris ah oo ka ganacsan jiray Qaadka.
Hadaba Farxadaas iyo rayn-rayntaas waxaa dhinaca kale hoos socotay walaac, fikir, iyo werwer soo waajahay badi dadkii Qaadka cunistiisa laasimay mudada dheer, iyaga oo ka walaacsanaa sida ay u waaji doonaan Nolol cusub oo bilaa qaad ah, waxa mar qudha ka faydmay xuub ku dahaadhnaa sanado badan, waxaana ay mar qudha isku soo muruxsadeen Duni kale oo aan ahayn caalamkii ay ku noolaayeen.
“ Waxaan in raashin ah ka cuni jiray Maqaaxida Hebel, markaas ayaan Mafrishka hore usii gali jiray, xilli danbe oo waagu soo guduudanayo ayaan gurigayga ku dheelmi jiray, maalintii inta badana waan hurdi jiray, wax kalana ma qabsan jirin, sidaas ayaanan ku jiray Sideed sanadood oo aan dalkan ku noolaa” ayuu igu yidhi wiil dhalinyaro ah oo aan da’adiisa 30 Jir ku qiyaasay.
Run ahaan waxaa kala lumay kumanaan dhalinyaro ah iyo eheladoodii, waxa uu Qaadku burburiyay nolosha kumanaan qoys, waxaana uu wakhtiga ka lumiyay in badan oo si joogto ah u laasintay cunistiisa, waxaana uu caafimaad darro u horseeday dad badan, isaga oo kuwo badan oo kalana balwado daran kusii xidhay.
Allah Mahadi haka gaadhee Xisbiga talada haya ee Conservative Party ayaa ka dhabeeyay ballan qaad ay sameeyeen 27kii June ee Sanadkii 20008 mar ay Marwo Lady Warsi oo xiligaas Xisbiga Conservative ka oo Mucaarad ahaa ku magacawnayd Shadow Communities and Cohesion Minister, waxay si cad u sheegtay inay jooijn doonaan Qaadka hadii ay Xukunka ku guulaystaan. Run ahaana si weyn ayaan xiligaas usoo dhaweeyay iyada oo aan niyad jab kala kulmay Dawladi Labour ka ee Tony Blair uu hogaaminayay oo sanado badan waxba naga dhagaysan weyday, halkan hoose ka akhri sida weyn ee aan barigaas u taageeray Marwo Warsi balanqaadkeeda.
Run ahaan dedaal yar muu ahayn in Qaadka la joojiyo, waxaana xusid Mudan in Sanadkii 2005 ay Dawlada Kenya Wafdi Culus usoo dirtay UK si aan qaadka loo joojin, waanay ku guulaysteen, ka dib markii dawladu ku gacan saydhay dalabkayagii ahaa in la joojiyo.
Run ahaan Joojinta qaadku waxay soo martay maraaxiil aad u kala duwan, iyada oo Warbaahinta UK ay si weyn u xiisaynayeen arrinka qaadka oo ay noola shaqeeyeen.
Waxaana Qiyaastii ay ahayd markii aan Article kii u horreeyay ee dhibaatada qaadka aan ku qoro Wargeyska Leicester Mercury Bishii Feb 2004, taasoo markii danbe warbaahin badan oo UK ah oo kala duwani ay noo sahleen in arrinkan qaadka lagu baraarugo.
Waxba yuu hadalku ila durkine waxaa Hubaal ah in Bulshada UK ku nooli ay ka raysan doono Aafadii Qaadku inagu hayay, waxaana Waa cusubi uu u beryay Kumanaan iyo Kumanaan qof oo uu dhinac kasta seejiyay
Waxaan usoo Jeedinayaa Culimaa’udiinka, Waxgaradka, Madaxda Jaaliyadaha, Haweenka iyo Cid kasta oo Qaybaha bulshada ee kala duwan ka mid ahi inay soo dhaweeyaan oo ay Garab qabtaan, gacan walaalnimana u fidiyaan dadka hore qaadka u laasimay ee imika uu waaga cusubi u beryay. Waxay u baahan yihiin in la gacan la siiyo, oo laga caawiyo sidii ay Shaqooyin iyo Waxbarasho u gali lahaayeen, noloshoodana ay dib ugu dhisi lahaayeen.
Culimada iyo Iimaamyada Misaajidada waxaa iyagana saaran Waajib weyn oo gaar ah sidii ay Misaajidada ugu soo dhawayn lahaayeen dadkaas Qaadka joojiyay iyada oo waliba Nasiib wanaag ku soo beegmay Xilli lagu jiro bisha rabaad ee Barakaysan. Waxaana loo baahan yahay in Bulshadaas lagala tacaalo inay jid khaldan oo kale maraan.
Waad Mahadsan tihiin
Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed

Leave a Reply