Xisbiga WADDANI Ma Iska Baraxi Doonaa Jariimadda Uu Qaranka ka Galay Maxamed Nuur Xirsi?

0
743

Waa dambiile cad oo aan biyo is marin, in sharciga la horkeenno oo qaanuunka dalka lala tiigsadaanna waa xalka kaliya ee dawo u noqon kara deel-qaafka uu qaranimadda Somaliland ka galay.
Waa ceeb mustaxiil ah in nin gaadhay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka qaranku uu si fool xumo ah iskaga hadlo, iyadoo aanu sharcigu banaynayn inuu sida shicibka oo kale uu iskaga tiraabo wixii afkiisa ku soo dhacaba isagoo aan ka cabsi qabin in sharciga la horkeenno. Waxa ayaan darro ah in Maxamed Nuur Xirsi oo u warramayay habeen hore Mareegta Ramaasnews, waxa uu ku dooday in xukuumadda Somaliland ay ku fashilantay cilaaqaadkii iyo wax wada qabsigii ay la lahayd beesha caalamka gaar ahaan dalalka jaarka la ah ee mandaqadda geeska Afrika.
Ninkaas waxa kale oo uu u badheedhay inuu hafro oo uu xajiin iyo waxaan jirin mariyo xukuumadda, waxaana habboon in dawladda Ingiriiska laga dalbado in loo soo gacan geliyo Somaliland ninkaas qayrul masuulka ah si waxa uu u hadlay ciqaabteeda loo mariyo oo la weydiiyo inuu caddaymo ku filan horkeeno maxkamaddaha dalka si uu ugu difaaco waxa uu sheegay iyo eedaha waxba kama jiraanka ah ee uu cadowga dalka ugu qabaanayo.
24-kii saacadood ee la soo dhaafay waxa rayul caamka bulshaddu ay goob walba ku hadal hayeen hadalka meel ka dhaca ah iyo jariimadda baaxadda leh ee ninkaasi ka galay qarankiisa.
“Ninkaasi waxa uu isleeyahay Ingiriiska ayaad joogtaa oo ma jirto cid sharci kula tiigsan kartaa, markaa waa in xukuumaddu ka hawl-gasho inay isagoo jeebaysan xabsiga dhigto si dambiga uu galay maxkamad loogu soo taago,”ayuu ydihi Saxardiid Nuur oo ka mid ah dadweynaha ku dhaqan caasimadda Hargeysa oo si weyn uga cadhaysnaa waxa uu ku hantaatacay ninkaas sarkaalka ka ahaa dalka sannado ka hor.
Dadweynuhu way ka midaysnaayeen siday uga xumaadeen waxa ka soo yeedhay ninkaasi waxaanay qabeen in lagaga bogsan karo uun iyadoo sharciga la horkeeno oo la weydiiyo waxa uu ku caddaynayo iyo masuuliyad darrada uu muujiyay.
Qaar ka mid ah dadweynuhu waxay qabeen inuu yahay hadal ay ka dambeeyaan cadowga Somaliland isla markaana uu qandaraas ku qaataysidii shaambad madow loogu dhufan lahaa sumcadda Jamhuuriyadda Somaliland ee duniddu.
Geesta kale waxa dadka qaarkood ay aaminsan yihiin Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI looga baahan yahay inay caddeeyaan inay la qabaan iyo in kale eedahan qaranimadda lagu dhaawacayo ee ka soo yeedhay Maxamed Nuur Xirsi, oo sheegtay inuu yahay sarkaal amniga u qaabilsan xisbiga WADDANI.
“Hadal caadi ah muu ahayn waxa ninkani ku hadlay waxa suurto-gal ah inay ka dambeeyaan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, sidaas darteed, waxa habboon in xisbigga WADDANI ay kala caddeeyaan in wixii uu ku hadlay ninkani ay la qabaan iyo in kale,”ayay tidhi Saado Cabdi Muxumed oo ka mid ah dadka sida weyn uga biyo diiday dhawaaqa ka soo yeedhay ninkaasi oo Ingiriiska degan, waxaanay intaasi ku kabtay “Nin iska hadla ama ka cadhaysan shaqo laga qaaday ayaa maalin walba u tafo-xaydanaya inuu dhaawaco jiritaanka Somaliland iyo tacabka ummaddeenu u soo gashay qaranimadeenna 23-kii sanadood ee la soo dhaafay.”
Xisbiga WADDANI ayaa looga fadhiyaa inay caddeeyaan inay la qabaan ninkan weerarka cadowtinimadda leh ee uu ku qaaday qaranimadda Somaliland ama ay beeniyaan oo iska fogeeyaan inaanu ku matalin waxa uu ku hadlay.

Leave a Reply