“Hawadeenna Cidii Awaamiirteenna ku shaqaynaysa Uun Baa Mari doonta”

0
763

Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa oo ka tirsan Mudaneyaasha Golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa sheegay in aanay jirin cid Somaliland kaga adkaatay maamulka Hawadda ee qaar ka mid ah mucaaridku ay xukuumadda ku eedeeyeen in lagaga adkaaday oo Soomaaliya loo gacan geliyay.
Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu xalay u warramayay wargeyska DAWAN, waxaanu ku dooday in aanay jirin wax Somaliland lagaga adkaaday.
“Maalmahan waxa warbaahinta lagu soo qorayay warar la xidhiidha in Somaliland lagaga adkaaday maamulkii hawadda oo Qarrammadda Midoobay u gacan gelisay Soomaaliya, runtii marka si dhab ah loo hadlo ma jirto wax la innaga adkaaday oo la siyaasadeeyaa, hawaddeena inaggaa maamulna cid innagu faro-gelin kartaanna ma jirto. Diyaaradaha hawadeenna maraya innaga ayaa xukunna, cidii awaamiirteenna ku shaqaynaysa uun baa hawadeenna mari karta,”ayuu yidhi Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa.
“Waxaan Mucaaridka u soo jeedinayaa inaanay eedoodu noqon qaar laf-jab ku ah oo ay qaranimadeenna ku dacaayadeynayaan ee waa inay dhaliishoodu noqotaa mid wax toosin ah oo qaranka dhisaysa. Markaa haddii aynu wax dhaliilayno oo aynu hal masuul wax ka sheegayno waa inaynaan qaranka ku doc-wareemin oo aynaan ku wiirsan, arrinta hawaddu waa mid qaran oo hawsheeda ay u xil saaran tahay xukuumadda iyo wasaaradda duulista hawaddu,”ayuu yidhi Xildhibaan
Warfaa.
Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa waxa uu sheegay in maamulka hawaddu uu ka mid ahaa qoddobadii shirkii Istanbuul ee Turkigu dhexdhexaadinayay, waxaanu yidhi “Illaa imika Ma Jirto cid Qarramadda Midoobay ay sheegtay inay u gacan gelisay maamulkii hawadeenna, waxaanu qodobka hawaddu ka mid ahaa heshiiskii Istanbuul ee wada hadaladdii Somaliland iyo Soomaaliya.

Leave a Reply