Laascaanood: 110 Arday Oo Ka Qalin-jibayay Maamulka Ganacsiga iyo Xirfadda Computer-ka

0
705

Dugsiga barashada culuumta technology-ga ee Future Technology Center oo kamid ah dugsiyada ugu waaweyn magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa xaflad balaadhan u sameeyey arday tiradoodu gaadhayso 110 arday dhamaystay culuumta computer science-ka iyo Business Administration-ka,kuwaas oo xaflad loogu qabtay Mustaqbal Hotel. Xafladaasi qalin jebinta waxa ka soo qayb galay masuuliyiin,maamulka iyo macalimiinta dugsigaasi,waalidiinta ardaydaasi ,ardayda kala duwan ee wax ka barata dugsigaasi iyo martisharaf kale oo badan. Ugu horeyn waxa ka hadlay maamulaha dugsigaasi barashada culuumta technology-ga Cabdirashiid Jaamac Geelle ,waxaanu ka waramay sababihii dugsigan loo aas aasay iyo xiliigii la aas aasay. Waxaanu sheegay Cabdirashiid in waqtigii la aas aasay dugsigaasi gaarka loo lee yahay ee Future Technology Center uu ahaa waqti aad loogu baahnaa barashada culuumta technology-ga ,gobolkaasina aad ugu baahnaa dugsi kan oo kale ah,isaga oo sheegay in ardayda maanta baxaysaa ay yihiin kuwo aad uga dhisan xirfadaha compture-ka ee kala duwan. Waxa isna halkaasi ka hadlay Maxamed Maxamuud Muuse oo ku hadlayey afka macalimiinta ardaydaasi wax soo bartay isaga oo ugu hambalyeeyey ardaydaasi qalin jebinaysay cilmiga ay dhamaysteen ,waxaanu kula dardaarmay inay sii wataan aqoontaasi ee aanay halkaasi kaga hadhin. qalin Waxa kale oo isna halkaasi ardayda kala hadlay guddoomiyaha ganacsatada ee gobolka Sool ahna maamulaha shirkadda Telesom qaybteeda magaalada Laascaanood oo ardaydaasi ku bogaadiyey siday ugu soo tabceen cilmiga ay maanta midhihiisii goosanayaan,loona baahan yahay in lasii balaadhiyo cilmigaasi ay barteen. Maxamed axmed Cilmi oo ku hadlaayey afka qurbo jooga gobolka Sool ayaa isna aad u soo dhoweeyey ardaydaasi qalin jebisay,isaga oo u rajeeyey guul iyo cilmiga oo ay noqdaan kuwii ku anfaca dalkooda iyo gobolkoodaba. Madaxa xisabaadka ee Jaamacadda Nugaal University Axmed Maxamed Cali (Abti Doon) ayaa isna halkaasi ka hadlay isaga oo ardaydaasi ku dhiirigeliyey sii wadida cilmiga ay barteen kuna booriyey inay ku hamiyaan gaadhitaanka meeshan meel ka saraysa,waxa iyaguna ugu dambayn halkaasi ka hadlay Cabdi Cawke Maxamed oo afka waalidiinta ardaydaasi ku hadlaayey iyo Cabdilaahi Cabdi Cawed oo isna ku hadlaayey afka ardayda jaamacaddaha ka qalin jebisay ee gobolka Sool,waxaanu sheegay inay furayaan dugsi sare oo gobolkaasi ku cusub laguna magcaabo Nasrudiin Secondary School ,kaas oo noqon doona Saddex sanno. Halkaasina waxay ardaydu kusoo bandhigeen riwaayad ka hadlaysay aafada tahriibta ee samaynta balaadhan ku yeelatay dhalinyaradda reer Somaliland ,iyada oo ugu dambayntiina halkaasi ardaydaasi qalin jebisay lagu guddoonsiiyey shahaadooyin.

Leave a Reply